SOMCABLE

Xukuumadda Soomaaliya Oo Warwar Ka Muujisay Tallaabadii Madaxweyne Biixi Uu Cafiskii Ugu Fidiyey Maxaabiistii Soomaaliya Iyo Jawaabta Somaliland Ka Bixisay 

Hargeysa, 07 August, 2019 (Himilo)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa werwer ka muujisay tallaabadii ay Somaliland  ku sii deysay 19xubnood oo xubnood oo u dhashay dalkaasi Soomaaliya oo falal Budhcad baddeednimo ah loogu soo xukumay dalka Seychelles, kadibna loo soo wareejiyey dalka Somaliland oo ay muddo ku xidhnaayeen, balse uu toddobaadkii hore Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintaasi ku eedeysay Somaliland oo Caalamkana u tustay inay werwer ka qabto.

Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo u dhignaa sidan:- “Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si xoog leh uga naxday go’aanka ay Somaliland keligeyd ku qaadatay sii deynta 19xubnood oo Budhcad baddeed ah oo xukuman”.

War-saxaafadeedkan ayaa waxa kale oo lagaga hadlay dareenka Soomaaliya ee heshiiskii Maxaabiistaasi Somaliland loogu soo wareejiyey, “Dawladda Soomaaliya kamay soo hor jeedin heshiiskii dhex maray Somaliland iyo Seychelles, waxaanay u arkeysay dedaal lagaga hor tegayo dhibaatooyinka ay budhcad baddeedu ka waday Badda Cas”.

War-saxaafadeedkan waxa kale oo eedo loogu jeediyey Somaliland tallaabadaasi ay ku sii deysay Maxaabiistan, “Go’aankani wuu ka hor imanayaa dedaaladii Beesha Caalamku kaga hor tegaysay kuna xakamaynaysay Budhcad baddeednimada, isla markaana lagu dammaanad qaadayey nabadgelyada Bad weynta Hindiya”.

Ugu dambeyntiina, Soomaaliya waxay war-saxaafadeedkan ku taageertay dalka Seychelles, “Waxaanu rumeysanahay cambaareynta ay Seychelles oo ka mid aheyd kooxdii u xil saarneyd hawshaasi ay u soo jeedisay Somaliland iyo cabashada ay u qoratay IOC, OGBCS, Xoghayaha Qaramada Midoobey, Golaha Ammaanka, waa in Beesha Caalamku ay arrintan tixgeliso”.

Dhinaca kalena, Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u difaacday tallaabada uu Madaxweyne Muuse Biixi Cafiska ugu fidiyey 19ka maxbuus ee u dhashay Soomaaliya ee falalka Budhcad baddeednimada ah loogu soo xukumay dalka Seychelles ee loo soo wareejiyey xabsiga Somaliland.

Garyaqaanka guud ee Somaliland Mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa Saab TV uga warramay awooda iyo asbaabta ay Somaliland u cuskatay sii deynta Maxaabiista laga soo wareejiyey dalka Seychelles ee muddada ku xidhnaa Jeelasha dalka Somaliland, waxaanu yidhi, “Maxaabiista la sii daayey ee loo hayey falalka Budhcad-Baddeednimada waxa laga soo wareejiyey Dalka Seychelles waxaana lagu soo wareejiyey dalka Somaliland, iyadoo labadaasi dawladood ba qayb ka ahaayeen dedaaladii la dagaalanka budhcad baddeeda ee waqtigaasi faraha ba’an ku hayey ammaanka iyo isu-socodka badda cas, badda Hindiya iyo Khaliijka Carabta”.

Garyaqaanku waxa kale oo uu iftiimiyey heshiiska Somaliland iyo Seychelles, “Waxa jiray isfaham ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Seychelles oo ku saabsanaa wareejinta Maxaabiista, heshiiskaasi oo sheegayey in aan ku ogolaanay Maxaabiista ku xidhan jeelasha Seychelles ee inta aynu ka aqbalnay (Somaliland) in lagu hayo jeelasheena, kuwaasi oo loo raadinayey meel ay isku Dhaqan, Diin iyo Luuqad yihiin, maadaama oo Maxaabiistaasi Jasiiradaa yar ee Badda ku dhex taalla lagu xukumay xabsi dheer oo ay ugu badneyd 24sanadood ah oo aanay halkaasi ka heli kareyn meel iyo cid ay baahidooda u sheegan karaan”. Garyaqaanku waxa uu intaasi ku daray, “Somaliland waxay ku Maxaabiistaasi ku aqbashay arrimo Bani’aadminnimo iyo inay qayb ka aheyd la-dagaalanka Budhcad baddeeda”.

Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay Awooda iyo asbaabta uu Madaxweyne Muuse Biixi u cuskadey sii deynta Maxaabiistaasi, “Heshiiskaasi ayaa waxa uu sheegayaa in Madaxweynaha Somaliland uu ku leeyahay Maxaabiista la soo wareejiyey waajibaad la mid ah ta uu ku leeyahay Muwaadiniinta kale ee Somaliland sida cafiska ku qeexan Dastuurka qodobkiisa 90aad farqadiisa 5aad, markaa maqaamka ay yeelanayaan Maxaabiistaasi la soo wareejiyey waxa toos u qeexay Xeerka Wareejinta Maxaabiista”.

Ugu dambeyntiina, Garyaqaanka guud waxa uu tilmaamay xukunka rasmiga ee Maxaabiistaasi la sii daayey ku kala xukunaayeen, “Xukunka rasmiga ah ee ay ku xukunaayeen Maxaabiistaasi waxa uu ahaa sannadada 18, 20, 24, balse Maxaabiistii hore ee dhameystay Xabsiga ee ka baxay oo tiradoodu aheyd 9Maxbuus waxay xukunadoodu kala ahaayeen 10, 12, 15 sanadood, marka Xeerkeena la eego haddii Maxaabiistaasi la sii heyn lahaa waxa Maxbuuska ugu badan u hadhsaneyd shan sano”. Ayuu yidhi Garyaqaanka Guud ee Somaliland Mudane Cabdisamad Cumar Maal

Hadalkan ayaa waxa uu jawaab u noqonayaa eeda iyo dacwada Soomaali ay ka gudbisay Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply