SOMCABLE

Xukuumadda Somaliland Oo Doonaysa Inay Wax Ka Qabato Tacadiyada Shaqaaluhu Kala Kulmo Loo-shaqeeyayaasha

Hargeysa, 30 Abriil, 2018 (Himilo) – Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa wadda qorshe ay dib ugu eegayso Xeerka Shaqada Shaqaalaha (Xeer Lr 31/2004), si wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyo oo loogu soo daro waxyaabaha ka dhiman.

Kulan ka dhacay Shalay Xarunta Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu fallan-qeeyay tacadiyada ka dhanka ah Shaqaalaha ee ay geystaan Loo-shaqeeyayaashu iyo arrimo kale oo ka mid ah sidii loo dheeli-tiri lahaa Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland, si loo dhowro Xuquuqda Shaqaaluhu ku leeyihiin loo-shaqeeyayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Hindi Jaamac Gaani oo hadal ka jeedisay kulankaasi ayaa sharraxaad ka bixisay waxyaabaha ay doonayaan inay wax ka qabtaan ee la xidhiidha Xeerka Shaqada iyo Shaqaalaha, waxayna tidhi “Loo-shaqeeyayaashu Dadka ay ugu Tacadiga badan yihiin Haweenka ayaa ka mid ah, Xuquuq buu siiyey Xeerka Shaqada iyo Shaqaaluhu (Xeer Lr 31/2004). Loo-shaqeeyayaasha markaad tidhaahdo Inan baa Afar bilood nuujinaysa (ee fasaxa) wuxuu ku odhanayaa miyaan Qof kale shaqada qorto, intaan Qof lacag iskaga siinayo Gurigiisa, waxyaabahaasi waa waxyaabaha dulmiga ah..”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ka hadlay ujeeddada kulankaasi “berigii hore waxay ahayd Hebel ma shaqo tagay, imikana waxaynu gaadhnay Inanku muxuu xaq u leeyahay, inantu maxay xaq u leedahay, Mushaharka la bixiyaa waa imisa, maalmaha Fasaxu waa intee..” ayuu yidhi

Leave a Reply