SOMCABLE

Xukuumadda Somaliland Iyo Ganacsatada Oo Isla Qaatay Qiimo Gaar Ah Oo Lagu Iibinayo Shidaalka

Hargeysa,13  Feebarweri, 2018 (Himilo)-Masuuliyiinta sare ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyadda ayaa kulan ay xal kaga gaadheen qiimaha iibka shidaalka oo maalmihii u danbeeyay kordhay la yeeshay ganacsatada shidaalka soo dejisa.

Wasiirka Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Ganacsiga, ayaa shalay kulan xarunta wasaarada ganacsiga kula yeeshay Ganacsatada soo dejisa shidaalka ee gacanta ku haysa keydka haamaha shidaalka, iyadoo kulankaasi ay labada dhinac iskula garteen qiime go’an oo lagu iibin doono shidaalka.

Kulankan oo saacado door ah qaatay oo aanay warbaahintu goobjoog u ahayn ayaa markii uu dhammaaday, waxa warbaahinta uga warramay Masuuliyiintii xukuumadda, ugu horreyna Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyada Maxamed Daahir Axmed ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu la kulanay Ganacsatada shidaalka dalka keena ee jumlada ku iibiya oo aanu isla eegnay arrimaha labadayadaba khuseeya, maadaama oo aanu Xukuumad ahaan mattelno bulshada oo iyaga macaamiil u ah, sidaasi awgeed mar haddii uu kordhay qiimihii shidaalku ayaanu wax badan isla eegnay oo macquul ah, iyadoo xukuumad ahaan aanu mar kasta ka shaqaynayno danta bulshada”.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md Maxamuud Xasan Sacad  (Saajin), ayaa faahfaahiyey natiijadii kulankaasi ka soo baxday, waxaanu yidhi “Saaka markii aanu halkan isugu nimid Ganacsatada annagoo eegayna danta dadweynaha, si fiican ayaanu u wada hadalnay, waxaana meesha ku jiray laba shay oo kala ah kordhinta ay kordhiyeen dadka shidaalka keena iyo kordhin kale oo ay kordhiyeen kaalmaha dadka ka sii iibiya”. Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dadka shidaalka dibada ka keena suuqa ayaa ku keenay inay kordhiyaan, laakiinse dadka kaalmaha ku iibiya maanu arag wax darruuri ah inay kordhiyaan, korodhsiimadoodiina waxaanu nidhi wax ka tanaasula, waxaananu meesha ka saaraynaa korodhsiimada kaalmaha ee cusub”.

Intaasi kadibna, Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay qiimaha shidaalka lagu iibin doono, “Maanta laga bilaabo Naaftada waxa lagu iibin karaa 7,200slsh, baatroolkuna 8,200slsh halkii littir oo korna uma dhaafi karto, iyadoo maalmahan lagu iibinayey naaftada 7,500, baatroolkana 8,500 littirkiiba”.

Ugu dambayntiina, Wasiirka oo la weydiiyey heerka qiime korodhka ay sameeyeen shirkadaha shidaalka soo dejiya, ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxay kordhiyeen, wax ka yar inta uu ka kordhay adduunka”.

Leave a Reply