SOMCABLE

Xukuumadda Oo Waxaan Sugnayn Ku Macnaysey Dhaliil Uu Guddoomiyaha WADDANI Ugu Jeediyey Siyaasadda Arrimaha Dibedda

Hargeysa, 7 Jeeniweri, 2019 (Himilo) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland, ayaa iska difaacday eedaymo uu u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Cabdiraxmaan-Cirro oo doraad Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ku fashilantay Siyaasadaha Arrimaha gudaha, Dibedda, dhaqaalaha iyo Midnimada Shacabka Somaliland, Balse Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Ibraahim Yuusuf Cismaan oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa isagoo daba socda Dhaliisha ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxuu sheegay in dhaliishaasi aanay ahayn wax sugan isla-markaana Xisbiyada Mucaaradka ahi iska caadaysteen inay jeediyaan dhaliil aan sax ahayn oo aan qodobaysnayn.

Wasiir ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu qabnaa Xisbiyada Mucaaradka ahi Wakhti badan bay ku lumiyaan inay raadiyaan dhaliisha Xukuumadda, ha noqoto Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaarad kale, laakiin waxay ahayd inay la yimaaddaan siyaasad bisil iyo waxay beddelayaan ama Barnaamijka ka duwan ka Xukuumaddu waddo ee ay hayaan.”

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibeddu wuxuu ku dooday in Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ku shaqaynayso Qorshayaal Qoran “Xukuumadda KULMIYE waxay ku hawl-galaysaa oo ay ku shaqaysaa Qorshayaal qoran, sida qorshe Xukuumadeed iyo Qorshe Xisbi, markaa Xisbiyada Mucaaradka ahi inay dhaliil iyo Cay wakhti badan ku lumin lahaayeen waxay ila tahay inay wakhti badan ku lumiyaan waxan aanu wadno waxa dhaama ee ay keenayaan inay mar keliya Ummadda u soo bandhigaan, taasaa wax dhisaysa, mar keliya ma arko xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland markay dhaliilayaan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyagoo wax qodobaysan ku dhaliilaya ama waxaanu wadno Beddelkeeda ayaanu qabanaynaa leh, waa dhaliil aan loo meel dayeynin..”ayuu yidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply