SOMCABLE

Xukuumadda Oo Soo Bandhigtay Tirada Qaxoontiga Ajanabiga Ee Dalka Ku Sugan Iyo Qaxoontiga Reer Somaliland Ee Dalka Lagu Soo Celiyey

Hargeysa, 09 Apr, 2019 (Himilo)-Kumanaan Qaxoonti Ajanabi ah oo ka kala yimmi dalal dhawr ah ayaa ku sugan oo ku nool dalka Somaliland, isla markaana boqolaal Qaxoonti ah oo u dhashay dalka Somaliland oo ku sugnaa dalal kala duwan ayaa muddooyinkii u danbeeyey dalka lagu soo celiyey.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Md Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa sheegay in ilaa labaatan kun oo Qaxoonti ahi ay dalka Somaliland joogaan, isla markaana ay dalka dib ugu soo celiyeen ilaa oo Qaxoonti reer Somaliland ah oo dunida ku kala sugnaa.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Md Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) oo u warramayey Saab Tv ayaa ugu horreyn ka hadlay tirada Qaxoontiga ajanabiga ah ee Somaliland ku nool, waxaanu yidhi “Dad fara badan oo Qaxoonti ah ayaa Dalka jooga oo ilaa labaatan kun oo qof gaadhaya, waxaanay ka soo kala jeedaan dalalka Itoobiya, Suuriya, Yeman, Ciraaq, Erateria dhammaantoodna way noo diwaangashan yihiin”.

Xinnif oo la weydiiyey tirada iyo Xaaladda dadka reer Somaliland ah ee Qaxoontiga ku ahaa dunida ee dalka dib ugu soo celiyeen, “Waxa dadkaasi laga soo celiyey dalalka kala ah Liibiya, Sudan, Niger, Indonesia, Yeman iyo meelo kale oo fara badan oo ay iskood uga soo noqdeen oo laga soo qaaday, markaa ilaa hadda waxaanu marinaynaa tiro woxooga ah oo marka laysku geeyo dhammaantood ah 1,277qof waana inta sanadkii 2018, balse kuma jiraan afartan bilood ee 2019”. Guddoomiyuhu waxa uu intaasi uu ku daray, “Wixii loo qaban karo waa loo qabtaa, laakiin waad ogtihiin oo dawladdu awood badan ma laha, baahida aadmiguna ma dhammaato, hay’aduhuna sida la doonayo wax uguma qaban karaan oo lacagta ma sameeyaan ee waxay ka soo ururiyaan qaadhaan bixiyeyaal, markaa wixii loo qaban karo waa loo qabtaa oo marka uu yimaado madaarka lacag ayaa lagu siiyaa, lixda bilood ee horena inta uu la qabsanayo laba boqol oo dollar ayaa la siiyaa qofkii, kadibna waxa loo sameeyaa ganacsi yar oo ah ka uu doorto oo muddo ayey qaadataa, mana filayo inay jirto cid cabanaysa”.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Md Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) waxa uu soo bandhigay heerka barakacaayaasha dalka iyo gobollada ay ku kala sugan yihiin, “Deegaanada Somaliland ee Barakacayaashu ugu badan yihiin waxay kala yihiin, Gobolka Sanaag, Sarraar, Togdheer, Maroodi-jeex, Saaxil, iyo Awdal, markaa guud ahaan barakacayaashu waxay u badan yihiin Gobollada Bari”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaashu

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply