SOMCABLE

Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday In Go’aan Adag Ka Qaadanayso Shaqaaqooyinka Soo Noqnoqda Ee Beelaha Dhexdooda

Saylac, 03 Oct, 2019 (Himilo)-Guddigii gaarka ahaa ee ay Xukuumaddu u xil saartay xal u helida Shaqaaqadii toddobaadkii hore ka dhacday deegaanka Wada-jir ee Degmada Saylac ee Gobolka Salal oo u dhexeysan laba Beelood oo halkaasi wada dega, isla markaana ay ku muransanaa dhul beero cusub laga abuurayey.

Haddaba, Shaqaaqada labadaasi Beelood dhex martay ayaa waxay sababtay dhimashada hal Qof, sidaasi awgeedna Guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii nabad ugu soo dabbaali lahaayeen deegaankaasi oo kala ahaa Wasiirrada Biyaha, Gaashaandhiga, Caafimaadka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo waliba hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska JSL ayaa waxay gaadheen dorraad iyadoo ay hore goobtaasi ugu sii sugnaayeen Masuuliyiinta heer Gobol/Degmo iyo Ciidanka Qaranka oo ku kala dhex jiray Beelahaasi iyo waliba Odeyaal ka soo kala jeeda Labada Beelood.

Ugu horreyna, Shalay waxa deegaankaasi si rasmi ah uga bilaabmay hawlgalkii nabadeed ee Guddigaasi u xil saarnaayeen oo ku bilaabmay in Odey dhaqameed ka soo kala jeeda labada beelood ee Shaqaaqadu ku dhex martay deegaankaasi ayaa si Beel kasta ay Awr ay ku martiqaadayaan ku wareejisay Guddiga Xukuumaddu u xil saartay xal ka gaadhista Shaqaaqadaasi.

Ugu horreyna, Odey Dhaqameedyo ka soo kala jeeda labadaasi Beelood ayaa ka warramay ujeedada ay guddiga ugu wareejinayaan labadan Awr, iyagoo ka hadlayana waxay yidhaahdeen, “Waxa nala jooga weftigii qaalliga ahaa ee ka koobnaa Ciidammadii Qaranka, iyo Wasiirradii Somaliland oo kala ah kuwii Gobolkan u dhashay iyo kuwii kale ee ugu muhiimsanaa, waxaanan ku wareejinaynaa AWR ay Beeshayadu ugu talo gashay in ay maanta ku martiqaado”.

Sidoo kale, Odey Dhaqameed da weyn oo ku hadlayey afka Beesha kale ayaa isna yidhi, “Waxaan idiin waddaa Awrkii Beeshu ii soo dhiibtay iyadoo aanu hore u soo weynay Adhigii waaweynaa, markaa hadda waxaanu u soconaa oo keliya in aanu martiqaadkaasi idiin fidino ee arrinta kale way inoo xidhan tahay oo way inoo haggaagsan tahay”.

Intaasi kadibna, Odeyada labadaasi Beelood ba waxa hadyadaa Xoolaha Nool ah ka guddoomay Guddoomiyaha Guddiga Xukuumaddu u xil saartay xal ka gaadhista shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaankaasi oo ah Wasiirka Biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore, isla markaana waxa uu ka warramay waajibaadkooda hawleed iyo kalsoonida ay ka qaateen labada Beelood ee Shaqaaqadu dhex martay waxaanu yidhi, “Ujeedada aanu meesha u nimmi iyo in aad diyaar u tihiin in dhib danbe aydaan soo celin oo wixii kale ee soo socdana uu ILAAHAY inaga qabto oo aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in labadiina Beelood ba min Awr aad nagu sooryeyseen waana dhaqan aynu lahaan jirnay oo waa Gobonimo waananu idinka guddoonay”. Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Labada Reer ee aanu halkan u joognaa intii ILAAHAY abuuray ba way wada noolaayeen oo way is gaadhayeen oo way is dhalleen, waxaana loo baahan yahay in Qofku uu intaasi fahmo, waxaanan cid kasta ka codsaneynaa inay u hoggaansamaan Garta iyo Go’aanka Dawladda, markaa haddii aanay labadan Beelood sidii dhaqanku ahaan jiray iyagu u heshiinin oo aanay qaadanin Garta dawladda waxa meesha ka soo baxayaa waxa uu noqonaya wax adag oo taariikhda aynu haynaa waa in dhawrkii bilood ee u danbeeyey in dhibaatadaasi oo kale ay ka socota meelo ka mid ah Somaliland oo waliba isa sii libin laabayey”.

Koore waxa kale oo uu tilmaamay xaaladda Deegaankaasi ka jirta iyo dhibaatooyinkii ka soo dhacay ba, “Hadda oo aynu halkan joogno waxa la ii sheegayaa in Lughaya deegaan ka tirsan oo la yidhaa Gargaara Barri in ay dhibi ka jirto tan la mid ah, markaa waxaanu leenahay waxa dawladda ka go’an in ay go’aan adag ka qaadato shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya ee Beelaha dhexdooda ah oo waxa Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ka go’an in aanay aqbalin is khilaafka Beeluhu oo waxaanu qof kasta halkan uga gudbinaynaa in aanay dawladdu u dul qaadan doonin khilaaf beeleed danbe oo riiq dheeraada oo Ciidanka Qaranka iyo Hantida Dawladu ba ku burburto”.

Ugu dambeyntiina, Wasiir Saleebaan Cali Koore waxa uu u mahadnaqay labada Beelood ee dirirtu dhex martay, “Waxaan Labadan Beelood uga mahadnaqayaa in ay intii ay is xakameyn karayeen is xakameeyeen oo ciddi gacanta danbe ayey geysatay ciddna waa loo geystay markaa meel fiican ayey wax marayaan”.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply