SOMCABLE

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Hadal Uu Madaxweynaha Kililka 5-aad Uu Caalamka Shakiga Kaga Gelinayo Amniga Somaliland

“Caalamka Oo Dhami Wuu Ka War Hayaa, Somali Maaha Meel Argagixiso Ka Jirto, Qofkii Arrimahaa Ka Hadlaana Waa Qof Isagu Ujeeddo Kale….” Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL

Hargeysa, 2 Diseembar, 2018 (Himilo) – Dawladda Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar, kaasi oo uu ku sheegay in Dad Argagixiso ah oo ku sugan Deegaanno ay Somaliland ka mid tahay ay doonayaan inay falal Amni-darro ka sameeyaan Gudaha Dalka Itoobiya.

Mustafe Cagjar oo la hadlayey Warbaahinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa si aan hubinti ahayn u sheegay in Dad uu Tilmaamay inay ku sugan yihiin deegaano Somaliland ka mid tahay oo xidhiidh la leh Al-shabaab ay Qaraxyo u soo abaabulayaan Itoobiya, balse Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka jawaabay hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa yidhi  “Caalamka oo dhami wuu ka war hayaa Somaliland, maaha meel Argagixiso ka jirto, Cidda ugu weyn ee la dagaalanta ee ka saartay dalkeedu waa Somaliland, 27-kii sannadood ee u dambeeyay Maalin bay wax ka dhaceen inta la ogyahay, markaa Qofkii arrimahaa ka hadlaa waa Qof isagu ujeeddo kale (Leh) ama si kale ay ka noqotay, markaa arrintaasi khalad u dhacdayaa iyo badheedh u dhacdayaaba waxaanu u aragnaa inay tahay arrin aan meesha ku jirin oo khaldan.”

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo la waydiiyey wuxuu u malaynayo in Madaxweynaha Kililka shanaad uga jeeday inuu is-barbar-dhigo Maamulo ka mid ah Soomaaliya iyo Somaliland oo Dawladaha Caalamku ka war-qabaan amaankeeda, waxaanu ku jawaabay “Ujeeddada ay arrintaasi lahayd ma garan karo, Waayo? la isbarbar-dhigi karo maaha, Caalamkuna wuu ogyahay, Somaliland-na Argagixiso kama jirto, markaa arrin khalad ah ayaanu u aragnaa.”

Wasiirka oo la waydiiyey inay la xidhiidheen Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya oo Madaxweynaha Kililku u sheegay arrinta la xidhiidha Aragagixisada uu Somaliland ku sheegay, ayaa ku jawaabay “Arrintaa Dawladdu way ka hadashay, markaa Waraaqo, hadal iyo si kale oo loo wada-hadlayba waanu gudbinay..” ayuu yidhi

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply