SOMCABLE

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Ahmiyadda Uu U Leeyahay Xidhiidhka Ganacsi Ee Dalalka Itoobiya iyo Kenya

Hargeysa, 28 Nov, 2018 (Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay dareenka ay ka qabto xidhiidh ganacsi oo ay la leedahay dalalka deriska ah iyo saamaynta uu ku yeelan karo, gaar ahaana Itoobiya iyo Kenya.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa markii horreysay isbarbar ku dhig ku sameeyey ahmiyadda uu Somaliland uu leeyahay Xidhiidh ganacsi oo ay la yeelato dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxaanu yidhi “Somaliland mar kasta way soo dhaweynaysaa dalkii xidhiidh Ganacsi, Dhaqaale la sameynaya, sidaasi awgeed Itoobiya waa dal deris oo xidhiidh Dhaqan, Ganacsi iyo Dhaqaale innaga dhexeeyo, in xidhiidhkaasi la sii xoojiyo oo ay labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ka faa’iidaan”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Ganacsi ee Somaliland iyo Kenya, “Dalka Kenya waxa ku dhaqan dad badan oo reer Somaliland ah, waana dal aynu deris nahay oo aynu xidhiidh taariikheed leenahay”. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray, “Somaliland, Waddan kasta inay xidhiidh la yeelato way soo dhaweynaysaa, waana hawsha ay ka shaqeynayaan Safaaradaheena iyo guud ahaan dawladu,

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply