SOMCABLE

Xukuumadda Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Rag Iyo Gaadiid Loo Haysto Dilkii Labada Sarkaal Kana Hadashay Saameynta Dilkaasi Ee Nabadgelyada, Xasiloonida Iyo Qaranimada

Hargeysa, 05 May, 2019 (Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo qabtay Saddex ka mid ah Dablay hubeysan oo Toddobaadkii hore Gobolka Sanaag ku dilay Taliyihii xabsiga degmada Gar-adag Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Axmed Tallan, iyo Taliye xigeenkii ciidanka Booliska Gar-adag Marxuum Laba Xiddigle Nuur Aw Cali Nuux oo Alle haw naxariisti toddobaadkii hore ay jidgooyo ku dileen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgal lagu soo qabtay Rag iyo Gaadiid loo haysto dilkii Labada Sarkaal dhawaan lagu dilay, waxaanu yidhi, “Ciidammada Amniga oo ilaa Maalintii dilka loo geystay labada Sarkaal ku gudo jiray hawl-gallo ay ku baadi doonayeen Raggii fuliyey hawshaas ay Saraakiishu ku geeriyootay, iyo dadkii kale ee gacan saarka la lahaa”. Wasiirku waxaanu intaasi ku daray, “Maanta (Shalay) waxa gacanta lagu hayaa  saddex ka mid ah Raggii hawlgalkaa fuliyey, iyo Toban Nin oo xidhan oo loo haysto Abaabulayaal, Gacan siin, Taakuleyn, iyo Rag baadhis ku socoto oo tuhumo soo galeen, waxa kale oo gacanta lagu hayaa Afar Gaadhi oo Nimankaasi dableyda ahi ku hawlgaleen iyo waliba hal Gaadhi oo kale markii falkaasi dhacay taakuleynayey, baadhitaankii ayaana ku socda oo sharciga ayaa la horgeynayaa”.

Intaasi kadibna, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudahu waxa uu ka warramay Nabadgelyada dalka iyo saameynta ay ku yeelan karto dilkaasi loo geystay labada Sarkaal, “Waxaynu ognahay in Qaranka Somaliland uu yahay Curdin aan wali dunidu aqoonsan, markaa sifaha iyo qaabka aynu doonayno in aynu adduunyada ku qancino in Somaliland la aqoonsado waxa weeyi Nabadgelyada iyo deganaanshaha, waana qodob bulshada Caalamku ka markhaati furtay inaynu mandaqadan aynu ku nool nahay kuwa ugu horreeya nahay, waxa kale ee aynu doonaynaa waa inaynu adduunyada ku qancino nidaamka dawladnimada hannaanka aynu doonayno inaynu u maamulno oo isaguna noqdo mid indhaha adduunyada inagu soo jeediya, sidaa darteed arrintan maalinta dhaweyd dhacday (Dilkii labada Sarkaal) waxay dhaawacaysaa Nabadgelyada, Xasiloonida, iyo Qaranimda, waayo shilku wuu dhacaa oo siyaabo kala duwan ayuu u dhacaa, laakiin kani wuxuu ahaa mid loo geystay Saraakiil ka tirsan Qaranka oo u adeegaysay, sidaa awgeed ayaa culeys badan loo saaray oo ilaa imika hawlgalkii ayaa lagu jiraa lagu baadigoobayey dadkii hawlagalkan fuliyey”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply