SOMCABLE

Xukuumadda Oo Amar Ku Soo Rogtay Qoysaska Dhex Deggen Xayn-daabka Xarumaha Dowladda

Hargeysa, 2 Maarij, 2019 (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta Somaliland, Md.  Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa ugu baaqay inay muddo gudaheed ah kaga guuraan dadwaynaha deggan Xayn-daabka xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’dadaha dawladda.

Wasiirku waxa uu ku war-geliyey Dadweynaha inay muddo bil gudaheed ah oo ku bilaabmaysa maalintii Khamiista ee todobaadkii hore kaga guuraan xarumaha dowladda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiir Qambi oo lagu faafiyey wakaaladda wararka ee SOLNA.

“Waxa lagu wargalinayaa dhammaan muwaadiniinta degan xarumaha Wasaaradaha iyo Xay’daha dawladda xayndaabkooda inay ka guuraan goobaha ay ka degan yihiin, maadaama suurto gal ahayn in ay is dhex deganaadaan hay’daha dawladda  xafiisyadooda iyo shicibku,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Sidaa daraadeed, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan bulshadaasi inay goobahaasi kaga guuraan muddo bil ah oo ka bilaabanta 27kii bisha labaad kuna eeg 28ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019ka.”

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply