SOMCABLE

Xukuumadda Farmaajo Oo Ku Takrifashay Mallaayiin Dollar Oo Isugu Jiray Dakhligii Dawladda & Deeqihii Caalamka

Hanti-Dhowrka Guud Ee Qaranka Lacag Dhan $18,386,732 Ayaa Ka Maqan Qasnada Dowladda

Muqdisho, 10 Oct, 2019 (Himilo)-Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dalkaasi Soomaaliya ayaa shalay soo saaray Warbixin sanadeedka ee baadhista Hey’adaha maaliyadda dowladda oo ay ku xusan tahay in mallaayiin dollar la lunsaday oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida loo isticmaalay.

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyey waxa uu ku faahfaahiyay baadhista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda oo qaarkood dakhli ururiyeen iyo deeqaha caalamiga ah, waxaanay warbixintani daaha ka rogtay musuq-maasuqa hey’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hey’adda dambi baadhista (C.I.D) iyo Jaamacadda Ummadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla markaana aan la helin hab baadhistu ku sii socon karto, waxaanu yidhi, “Muunada baadhista (Audit Sample) aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hey’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen waddarta dakhli gaadhaya $1,350,400 oo ay isticmaaleen, taasoo baal-marsan Xeer Xisaabeedka Dowladda ee 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga beddelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan $86,980 dib ayeyna u isticmaashay, Hoggaanka Baadhista Dembiyada (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen $577,014 dib ayeyna u isticmaaleen.

Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay $130,130 dib ayeyna u isticmaashay. Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed waxay qabatay $556,276 dib ayeyna u isticmaashay.

Sidoo kalena, Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay heshay dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay waddarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 dollar, warbixintu waxa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaadhay $19,872,827 dollar oo keliya.

Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxa kale oo ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 dollar oo aan laheyn meel loo raaco.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply