SOMCABLE

Xubno Ka Mid Ah Dableydii Geysatay Dilkii Iyo Dhaawacii Dorraad Ka Dhacay Ceel-Af-Weyn Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

Hargeysa, 14 August, 2019 (Himilo)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa caddeeyey in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah kooxdii dableyda ahayd ee toddobada qof ku dilay magaalada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag maalintii Isniinta, isla markaana lagu jiro hawlgal ballaadhan oo lagu soo qabanayo inta kale ee baxsadka ku maqan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Maxamuud Warsame Jaamac oo saxaafadda soo gaadhay shalay, waxa Madaxweyne-ku-xigeenku ballanqaaday in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ku lug-yeelata falkaas foosha-xun ee dadka rayidka ah dilka loogu gaystay, isagoo dadka falkaas ku geeriyooday Ilaahay uga baryey inuu jannatul-fardawsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna caafimaad siiyo.

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee marxuumiintii ku geeriyootay shalay (maalintii Isniinta) Ceel-afweyn oo dhammaa toddoba ruux oo afar ay haween yihiin.

Iyadoo Ciidammada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi-goobayo hadhaaga dablaydaasi, iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda, kana war-sugaan  hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka Ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiigga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu amrayaa ciidammada ammaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Waxaanu Madaxweyne-ku-xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply