SOMCABLE

Xisbiyada Mucaaridka Oo Maanta Soo Saaraya Go’aankooda Ku Wajahan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Ujeeddada Ay Ka Leeyihiin

Xisbiyada Waddani Iyo Ucid Maxaa Xilligan Ku Kelifaya Go’aankan?

Hargeysa, 08 Sep, 2019 (Himilo)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa la filayaa inay maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaan go’aankooda ku aadan tirada guddida doorashooyinka Qaranka oo muddo Xisbiyadu isku maandhaafsanaayeen.

Haddaba, Wararka Wargeyska Himilo helayo ayaa sheegaya in Xisbiyada Waddani iyo Ucid maalmihii u danbeeyey si weyn looga dareemayey shirar gaar gaar ah oo ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Hargeysa oo ay kaga arrinsanayaan go’aankooda ku saabsan wax ka beddelkii ay doonayeen in lagu sameeyo tirada Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan mooshinkeedii uu laalay Golaha Wakiilladu.

Haddaba, warku waxa uu intaasi ku sii darayaa in Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid uu mid waliba dhinaciisa u garwaaaqsaday in ay si buuxda u aqbalaan in tirada cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranku noqoto sidii hore, iyagoo doonaya inay Mucaarid ahaan dhinacooda fududeeyey hawlaha suurto gelin kara qabsoomida Doorashooyinka si aanay dib uga dhicin xilligii loo asteeyey, waxase xusid mudan in haatan waqtiga kooban ee ka hadhay xilligaasi ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinku in aanay ku qaban Karin Doorashooyinka Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanada ee hore loogu asteeyey.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply