SOMCABLE

Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Loo Geystay Xadhig Sharci Darro Ah Iyo Tacadi

Hargeysa, 05 May, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo saaray qoraal uu si adag ugaga hadlayo xaaladda xadhiga guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga Waddani oo dhawaan Xabsiga loo taxaabay.

War-murtiyeedkan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu socodsiiyey Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Caalamiga ah iyo waliba Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Golaha Wakiillada JSL, iyo Taliska Ciidanka Booliska, waxaana ujeedadiisu aheyd Tacadiga iyo Xadhiga Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Waddani, waxaanu u dhignaa sidan:-

Ku: Komishinka Qaran ee Xuquuqda Aadanaha JSL Hargeysa.

Og: Hay’adda Xuquuqal Insaanka Caalamiga ah. Geneva.

Og: Maxkamadda Sare ee JSL Hargeysa.

Og: Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland. Hargeysa.

Og: Taliska Guud ee Ciidanka Booliska JSL Hargeysa.

UJEEDO: TACADIGA & XADHIGA GUDDOOMIYAHA GARABKA DHALLINYARADA

Waxa si sharci darro ah oo argagax leh loo xidhay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga WADDANI ahna Xubin ka tirsan guddida fulinta ee Xisbiga Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme, Taariikhdu markii ay ahayd 115 Bishan Shanaad ee aynu ku jirno 2019, Xadhigiisaasi waxa uu ahaa mid baal-marsan xeerarka iyo shuruucda qaranka u yaalla, Maxamed waxa la xidhay iyada oo aan loo soo jarin waaran qabasho oo maxkamad awood u lihi ay soo saartay, sida oo kale markii ay ciidanku qabanayeen waxaa loo geystay jidh-dil.

Sida uu dhigayo Xeer Is 14/2001 qodobkiisa 20″” faqradiisa 16’d. waxaa meel lagaga dhacay isla markaana ixtiraami darro ku ah Xisbiyada Qaranka in xasaanaddii Xisbinimo ee uu lahaa mas’uulkan lagu tuntay, intii uu Mas’uulkani Xabsiga ku jiray waxaa laga qaaday xorriyaat-kiisii aasaasiga ahaa ee maxbuusnimo;

  1. Waxa loo diiday in ay soo booqdaan eheladiisii iyo Xisbigiisiiba.
  2. Waxa laga mamnuucay in cuntadii si toos ah loogu geeyo.
  3. Waxa lagu xidhay qol-madow oo uu keli ku yahay oo aan lahayn laydh isla markaana nadaafadiisu ay aad u Iiidato.
  4. Sida oo kale-na muddadii hadda uu xidhnaana waa uu katiinadeysnaa.

Dhammaan tacadiyadaasi waxay baal-marsan yihiin Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 274-‘d faqradiisa 1″d sida oo kale-na Ciidanka Boolisku waxa uu ku gefay isla qodobka faqradiisa 23’d ee Dastuurka Somaliland. Sidaa darteed waxa aanu ugu baaqeynaa Komishinka Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Somaliland in ay sida ugu dhakhsaha badan guddi baadhiseed ugu dirto tacadiga lagula kacay mas’uulkan Xisbiga ka tirsan isla markaana soo hubsato bad-qabka macuulka iyo fayo-dhowrka goobta uu ku xidhan yahay-ba,

Ugu danbeyntii waxa aanu ogeysiineynaa Hay’adaha Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadamaha iyo Kuwa ka howl-gala Jamhuuriyadda Somaliland-ba in ay it-dhow kula socdaan tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo guud ahaan muwaadiniinta Somaliland gaar ahaan mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI oo uu Booliska Somaliland hoggaankiisu caadeystay isla markaana bar-tilmaameedsay in uu goor-kasta xadhig aan sharci ahayn kula kaco mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo muwaadiniinta kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xisbi ahaana waxa aanu qabnaa in tallaabooyinkan Boolisku qaadayaan ay u muuqato in uu Xisbiga WADDANI uu bar-tilmaameedsanayo isla markaana uu lumiyey dhexdhexaadnimadii looga baahnaa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply