SOMCABLE

Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyey Inuu Ku Fashilmay Hoggaamintii Gobollada Barri Ee Dalka & Dhalliilo Ay U Jeediyeen Hadalkii Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka

“Dadka Reer Somaliland Ee Hormoodka Ah Waxaanu Leenahay Hadhow Haddii Ay Somaliland Halka Ay Maanta Taagan Tahay Ay Dib Uga Noqoto Taariikhdu Way Idin Xusi Doontaa…”-Xoghayaha Xisbiga Waddani

Hargeysa, 27 August, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si ba’an u dhalliilay heerka Hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland ee ku aadan Gobollada Barri, isla markaana waxay wax laga xummaado ku tilmaameen hadalkii Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranku kaga hadlay Ciidankii ka goostay Somaliland iyo Sarkaal Caarre oo hore uga goostay Ciidanka Qaranka, iyadoo haatan ay socotay waanwaan lagu raadinayo xal laga gaadho.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa shalay Magaalada Hargeysa kula hadlay Warbaahinta waxaanu ugu horreyn uu dhalliilay hadalkii Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Hadalka Shalay ka soo yeedhay Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka JSL waxa uu ahaa hadal dhiilo leh, balse Shacabka Reer Somaliland sida ay uga jawaabeen na aad ayaan ugu faraxsanahay oo ilaa hadda ma jirto Qof ku faraxsan waxaanu hadalkaasi ahaa hadal dadka dhegahooda iyo qalbigooda ba dilay xaqiiqo ahaan”.

Xoghayaha Xisbiga Waddani waxa kale oo uu isbarbar dhigay hadal ka soo yeedhay Puntland iyo hadalkii Taliyaha Ciidanka Qaranka, “Waxa wax aad iyo aad looga xummaado ah in Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL iyo Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland inay isku wax ku farxaan oo Puntland way hadashay oo waxay aad iyo aad ugu faraxday inay Ciidammadaasi ka soo tegeen Somaliland, Taliyaheenuna wuxuu ku farxay inay Ciidankaasi ka tegeen oo waxa uu ku sababeeyey Shillimaan, Dhaqaale iyo Lacag Qaranka u badbaadaya, markaa Taliyuhu Cashuurta shuqul kuma laha oo shaqadiisa maaha sida loo qorsheynayo cidda la siinayo iyo halka la marinayo oo waa arrimo siyaasi ah”. Xoghayuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Taliyaha waxa laga doonayey oo ay shaqadiisu aheyd Akhlaaqda iyo dhismaha Ciidankiisa iyo inuu ilaaliyo wada jirkiisa, isagoo Ciidankiisii maalin ba xayni goosaneyso oo ay ka baxeyso oo Ciidankii Qaranka sumcadiisii maalin ba maalinta ka danbeysa ay hoos u sii dhaceyso halka uu xal uga raadin lahaa waa wax aad looga xummaado in uu hadalkaasi ku hadlo Taliyaha guud waxaanay yeelanaysaa macno kale oo fog oo ah in dadka Reer Somaliland laba loo qaybinayo, laakiinse Shacabka Somaliland waa mid hal Dal ku wada abtirsada ooh al dhul, dawlad iyo dan ayaa ka dhexeysa, laakiin se Taliyaha waxaanu weydiinaynaa halkee ayuu leeyahay tega waa dad Reer Somaliland ahe, waana inuu ka jawaabo”.

Sidoo kale, Xoghayaha Xisbiga Waddani waxa kale oo uu ka hadlay hadalkii uu Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranku kaga hadlay Sarkaalkii hore uga goostay Ciidanka ee Caarre, “Arrinta nabada ee ay Odeyaashu ka dhex wadeen inta aanu ognahay Niman Odeyaal ah oo Akhyaar ah ayaa meesha tegay oo wada hadalo ayey galeen nabad ayey ka keeneen oo way hadleen oo Somaliland nabad ayaanu uga sidnaa ayey yidhaahdeen oo Madaxweynaha ayaanu la sugeynaa ayey yidhaahdeen oo cid ay u sheegeen qodobada iyo waxyaalaha ay doonayaan in lagu heshiiyo oo ay nabadaasi ku unkanto ma jirto”.

Dhinaca kalena, Xoghayuhu waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi ku fashilmay hoggaaminta Gobollada Barri, “Isbaaradan uu Taliyuhu dhigay ee nabadii barri laga soo waday uu isbaarada u dhigtay ma mid Madaxweynuhu dhig yidhi baa mise waa mid uu isagu sidiisa u dhiganayo oo uu arko in aanay dan iyo wanaag ugu jirin inay halkaasi nabadi ka unkato, Madaxweynaha fursad ayaanu siinaynaa inkastoo 24saacadood wax ka badan aan sugeynay inuu arrintaasi wax ka yidhaahdo Shacabka reer Somaliland na ay sugayeen oo aanay ilaa hadda inta aanu ognahay aanay dawladda wax war ahi ka soo bixin, iyadoo arrintaasi muujinayso inay siyaasad dawladeed tahay oo asal ahaan ba Taliyaha Ciidanka Qaranku aanu keligii iska hadal”.

Khadar waxa kale oo uu tilmaamay ahmiyadda Gobollada Barri u leeyihiin Somaliland iyo doorka Madaxweynaha, “Somaliland dawlad ma noqon karto dadka barriga la’aantood, ninka isugu sheekeeyaana been ayuu isku sheegayaa waxa kale oo ay arrintani caddeynaysaa in siyaasadda dawladda ama Madaxweynaha ee Barrigu fashil tahay oo tahay siyaasad ay Madaxweynayaashii hore oo dhami kaga fiicnaayeen oo Madaxweyne Siilaanyo Gobollada Barriga siyaasad sullux ah oo wanaag ah ayuu ku waday oo doorkii dhaweyd doorashadu meelo badan oo aanay hore uga dhici jirin ayey ka dhacday oo dadkaasi way u soo hanqal taagayeen Somaliland, laakiin waxaad moodaa in la leeyahay idiinma baahnin ee tega Soomaaliya, markaa dawladda Muuse Biixi waxaad moodaa inay sagaal sano jirtay iyadoo ku jirta waqtigii ugu fiicnaa waana hoggaamin la arkay oo aan la mahadin ayaanu leenahay”.

Ugu dambeyntiina, Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxa uu baaq u diray Bulshada Somaliland, “Dadka Reer Somaliland ee hormoodka ah waxaanu leenahay hadhow haddii ay Somaliland halka ay maanta taagan tahay ay dib uga noqoto taariikhdu way idin xusi doontaa, maadaama oo ay wada arkaan dariiqa aynu hayno iyo halka uu innagu wado hoggaaminta Muuse Biixi ee isku filanta ah ee aan meelna ina gaadhsiinayn oo arrintaasi haddii aynaan si isku mid ah uga hor iman weyno oo aynu iska deyn weyno Qabyaalada iyo Qudhunka aynu hoosta ku wada haysano oo aynu odhan weyno Somaliland meel khatar ah ayey ku jirtaa ee sidee ayeynu u badbaadinaa”. Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply