SOMCABLE

Xisbiga WADDANI Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay In Cadho Uu Cid Gaar Ah U Qabaa Ka Leexinayso Inuu Dadweynaha U Caddaalad-falo

Hargeysa, 13 Maarij, 2019 (Himilo) – Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee  WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sharci-darro iyo mid cadaaladda ka fog ku tilmaamay xukun Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ku ridday laba muwaadin oo ka mid ah shan Nin oo loo haystay inay jareen xadhigga Internetka Dhulka hoostiisa mara ee Shirkadda SOMCABLE ee Somaliland.

Xoghayaha Xisbiga WADDANI ayaa Shalay jeelka ku soo booqday labada muwaadin oo lagu xukumay min lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dolla oo ganaax ah iyo mid 8 sanadood oo xadhig ah, waxaanu xukunkaasi ku tilmaamay mid aan caqliga bani’aadanka gali karin.

Xoghayaha WADDANI oo Saxaafadda la hadlay, ka dib booqashada uu Xabsiga dhexe ee Hargeysa ugu tagay labada Muwaadin ee ka mid ah shanta Xubnood ee la xukumay, ayaa yidhi  “Waxaan booqday Abwaan Baashe iyo macalin Cabdiqaadir oo lagu xukumay xukun caddaalad-daro ah oo axmaqnimo ah, waxay noo sheegeen in Askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan, waxa kale oo aan la kulmay qoysaskoodii, Abwaan Baashe wuxuu ahaa Aabo toban carruur ah u shaqeeya, nin xoogsato ah oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta ayuu ahaa, macalinkuna iskuul buu bare ka ahaa oo uu qaadan jiray wax boqol dollar ka yar, waayo ? dawladda ayuu u shaqayn jirey, caqliga dhigaya qof boqol dollar wax ka yar qaata in lagu xukumo lix boqol oo kun oo dollar oo ganaaxa inuu bixiyo waa wax lala yaabo..”ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dawladaha dumaya ee baaba’ayaa astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno, Maantana waddankeena si fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin cadaaladda,  laakiin Maanta waxa muuqata in Madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa uu Madaxweynaha u yahay u caddaalad sameeyo in ay ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono.”

Shan muwaadin oo laba baxsaday ayaa Maxkamada racfaanka Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay lacag dhan min lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah, taas oo badi dadku la yaabeen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply