SOMCABLE

Xisbiga UCID Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qorshe Xukuumaddu Dhawaan Ku Dhawaaqday

“Halkee Ayeynu U Doonanaynaa Dadkii Ay Laayeen, Xagee Ayeynu U Doonanaynaa Dawada Sunta Ah Dadkeenii Ay Siiyeen…”-UCID

Hargeysa, 12 Apr, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa si adag uga soo hor jeestay qorshe Xukuumaddu dhawaan ku dhawaaqday oo ahaa in dalka Somaliland laga mustaafurinayo ilaa 130dhakhtar oo Ajanabi ah oo sifo shari darro ah dalka ku soo galay oo kaga shaqeystay.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Md Yuusuf Keyse Cabdillaahi, ayaa shalay arrintaasi uga warramay HCTV, waxaanu ugu horreyn sheegay inay tallaabada mustaafurinta ah soo dhaweynayaan, balse ay ka horreyso in sharciga la mariyo, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dadkaa (Dhakhaatiir) Wasaaradda Caafimaadku sheegtay markii ay baadhis ku sameeyeen Guddiga Anshaxa ee Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku in aanay Aqoon iyo Khibrad midna aanay lahayn, halkee ayeynu u doonanaynaa dadkii ay laayeen, xagee ayeynu u doonanaynaa dawada sunta ah dadkeenii ay siiyeen”. Xoghayuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waanu soo dhaweynaynaa in Dalka laga saaro, balse waxaanu leenahay haloo raac xeerarka dalka, waayo xeerarka dalkeenu wax bay ka odhanayaan Ninka dalka ruqsad la’aan ku soo gala ee haddana shaqo iska billowda”.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid waxa kale oo uu ka hadlay sharci darrada ay dhakhaatiirtan ajanabiga ahi ku tallaabsadeen, “Waxaanu leenahay tallaabo halaga qaado oo xeerarka haloo maro waxay galeen laba dambi oo kala ah inay sharci la’aan dalka ku soo galeen iyo inay iyagoo aan haysan ruqsad ay dadkii u shaqeeyeen”. Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Md Yuusuf Keyse Cabdillaahi

Ugu dambayntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay sheegay in Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u soo gudbisay in boqol iyo soddon qof oo Ajanabi ah oo ka hawlgala Cusbitaalada dalka ee isugu jira kuwa dawladdu maamusho iyo kuwa gaarka loo leeyahay ba aanay sharci dalka ku soo galin, isla markaana aanay lahayn Aqoontii iyo Khibradii ay hawshaasi ku fulin lahaayeen, sidaasi awgeed dalka laga mustaafurinayo.

Haddaba, Arrintaasi ayaa waxay dhashay in Bulshadu si weyn u hadal hayso oo ay isweydiiyaan maxaa Dhakhaatiirta Ajanibiga ah ee Cusbitaalada Somaliland ka Hawlgalayey ee aan lahayn xirfadii dhakhtarnimo ogolaansho na u haysan in aan la mustaafurin oo keliya ee la ciqaab mariyo oo la hor geeyo Maxkamadaha dalka, iyaga iyo ciddii keentay dalka ba, isla markaana baadhis qoto dheer lagu sameeyo muddadii ay shaqeynayeen iyo waxyeeladii ay geysteen ba.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply