SOMCABLE

Xisbiga Ucid Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Kulankii Madaxweyne Biixi & Masuuliyiinta Soomaaliya Ee Xaramka Iyo Xukuumadda Oo Si Adag U Difaacday

Hargeysa, 15 August, 2019 (Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si adag u difaacday kulan aan ujeedadiisa hore loo sii ogeyn oo la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftigiisu ay kula yeesheen Xaramka Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo.

Sawir muujinaya inay kulmeen Weftiga Madaxweynaha JSL iyo Masuuliyiin ka socotay dawladda Soomaaliya ayaa dhaliyey hadal hayn badan.

Sidaasi awgeed Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa cambaareeyey tallaabadaasi.

Ugu horreyna, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Ucid Maxamed Cali Hayste (Ramaax) ayaa ka hadlay sida uu u arko waxaanu yidhi, “Marka hore waxaan cambaareynaa Sawirka uu Weftigii Madaxda Somaliland la galeen  Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee baraha Bulshada la soo dhigayo, waa xaaraan in Madaxweynaha Somaliland uu isla sawiro ninkii lahaa (Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya) Xoolaha Nool ee ka dhoofaya Berbera Muqdisho Warqad haka soo qaataan, markaa Madaxweyne waa qalad aad gashay ee ka raalli gali Ummadda Somaliland oo yaanay dib u dhicin, Xaram ayaad sheegaysaaye Aakhiro ayeynaan heshiis ku aheyn, markaa Ummadani diyaar uma aha in sawir been ah la sawiro oo waxaanay diyaar ugu aheyn Nimanka halka aynu ognahay aynu kala taaganahay inay maanta yidhaahdaan Midnimo ayaa loo ooman yahay iyo waakaa Madaxweynihii, markaa ma khiyaamo ayey kugu wadeen Sucuudigu markay Xajka kugu marti qaadayeen, ma inaad isa salaantaan ayey ku wadeen, waxaynu Nimankaa kala taaganahay halka aynu ku aragno waxa inoo dhexeeya dagaal siyaasi ah iyo mid xabadeed, sidaa daraadeed darbiga aad jabisay Madaxweyne dhaawaceedu wuu ku haystaa oo waa tii aad shalay ku cambaareynaysay hebel ayey halkan ku arkeen Xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo waxaynu ogeyn wixii adiga iyo Cigaal idin kala qabsaday, iyadoo horena aad u ogeyd Saleebaan-gaal wixii kaga dhacay Kheyriyada Hargeysa, markaa sidee ayey ku dhacdaa in Ummadda maanta adiga oo Madaxweyne u ah oo ay ku doorteen inaad sawir la soo gasho (Soomaaliya) oo ay maanta dunida ka iibiyaan midnimo ayaa loo ooman yahay maaha mid aanu qaadan karayno, markaa waxaan u sheegay Farmaajo iyo xukuumadiisa shaqsiga uu doono ha ahaadee in Salaani qadiyada Somaliland ay wax ka beddelayso, ummadda Somaliland na waxaan u sheegayaa sidee ayey ku dhacday in maamulka hadda jiraa wixii uu shalay dadka uu ku caayayey inuu ku tallaabsado…markaa Madaxweyne waa khiyaamo Qaran ee adiga ayey kuu taallaa wixii aad kaga baxeyso”. Ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Ucid

Dhinaca kalena, Masuulkii u horreeyey ee ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa ka dareen celiyey arrintaasi.

Haddaba, La-taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa xalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, isagoo sida uu arko sawirkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Sawirka la wareejinayo baraha Bulshadu waxa uu ka soo baxay Dalka Sucuudiga oo gudashada Waajibaadka Xajka awgeed laysugu tegay oo ay tageen dad badan oo Muslimiin ah oo dunida ka kala yimid oo dhammaantood cibaado u tagey isla markaana ah dad siman, markaa haddii dad Cibaado u tegay ay isa salaamaan oo haddii ay iska hor yimaadaan oo ay isa salaami waayaan waxa wax noqonaysa cibaadadoodii, markaa haddii ay isa salaamaan oo ay is barriidiyaan anigu wax dhibaato ah uma arko”.

La-Taliyaha oo la weydiiyey in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay hore ugu eedeysay Xisbiga Waddani inuu la kulmay Masuuliyiin Soomaaliya ah, sidee ayey noqoneysaa kulanka Madaxweyne Biixi iyo Wasiirada Soomaaliya, “Madaxweynaha Qaranku isaga ayaa ummadan iyo dalkan masuul ka ah, cid kasta oo uu arko in danta Qarankani gashayna waxa awood u leh isaga oo Madaxweynaha ayaa metala Qaranka iyo Dadka ba”. Cabdiwaaxid waxa kale oo uu intaasi raaciyey, “Dadka Cibaadada wax ka dhex raadinaya amase siyaasadeynayana anigu uma arko inay tahay wax sax ah, haddii dad meelo kale lagu eedeyn jirayna Maka iyo Cibaado midna may aheyn, laakiin hadda meelo Cibaado ah ayaa laysugu yimmi oo Muslimiin siman ayaa timid oo Madaxweynaha inta aan ka war hayo dad fara badan oo Dalal badan ka soo kala jeeda ayaa salaan ugu tegay, markaa haddii ay dadkaasi (Wasiirada Soomaaliya) ay ka mid noqdeena anigu uma arko meel siyaasad iyo wax kale laga xoqi karo”. Ayuu yidhi La-Taliyaha Madaxweyne Muuse Biixi

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply