SOMCABLE

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Wallaac Iyo Werwer Ka Muujiyey Heerka Hoggaaminta Madaxweyne Biixi Iyo Xaaladda Qaranimo Ee Gobollada Dalka

“Ilaalinta Xudduudaha Qaranku Waxay U Baahan Tahay Hoggaamin Xilkasnimo Leh Ee Uma Baahna Hoggaamin Xoolo Urursi U Timid…”-Xisbiga Waddani

Hargeysa, 25 August, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa cabsi ba’an ka muujiyey midnimada dadka iyo dalka Somaliland isla markaana si adag u dhalliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa arrimahaasi ka hadlay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Ugu horreyna, Afhayeenka Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in markii ugu horreysay Calanka Somaliland hoos loo dhigay, isagoo ku eedeeyey Xukuumadda Somaliland,  waxaanu yidhi, “Somaliland Cimrigeedu 30sano ayuu sanka la galayaa oo Calankeeda Tawxiidku ku qoran yahay ilaa markii lagu dhawaaqay Qaranimada Somaliland ilaa maanta waa markii koowaad ee calankaasi dhulka la dhigo, markaa dhalliisheeda iyo ceebteeda cidda uu korka ka saaran yahay waa cidda hadda talada dalka haysa oo uu kow ka yahay Madaxweynuhu oo uu laba ka yahay cidda amniga qaabilsan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha”.

Afhayeenku waxa kale oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku eedeeyey inuu ka gaabiyey waajibkiisii, “Waxaad ka war qabteen labadii sanno ee u dambeeyey inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Nabadgelyada iyo ilaalinta Sharafta Ciidammada dalka masuul ka ah inuu waqtigiisii kaga lumay isagoo dhex taagan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, markaa intuu waxaa ku mashquulsanaana waxa galbatay Sanaag Barri”. Afhayeenku waxa kale oo uu Wasiirka ku eedeeyey Ciidamo ka goostay Somaliland, “Waxa shalayto dhacday Magaalada Badhan badhtankeeda in Guutada 117 oo aheyd Guuto aad miisaan ugu laheyn Ciidammada Qaranka JSL in iyagoo Xeradoodii jooga oo aanay jirin ciidan soo weeraray oo awood kale oo bannaan kaga timid oo qabsatay aanay jirin inay si iyaga laabtooda ka soo goday ay ugu biireen Maamulka Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland”.

Intaasi kadibna, Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxa uu wallaac ka muujiyey xaaladda Gobollada dalka, “Cabsi xoog lihi waxay Xisbi ahaan nagaga aadan tahay Sanaag Barri galbataye inay Gobollo kale oo Somaliland ahina inay socon doonaan, ilaalinta xudduudaha Qaranku waxay u baahan tahay hoggaamin xilkasnimo leh ee uma baahna hoggaamin xoolo urursi u timid”. Afhayeenku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Kow, Laba iyo afar ba waanu ku celinay, laakiin lanama dhegaysanayo, markaa cabsi badani waxay nagaga beegan tahay Xisbi ahaan saddex sanno kadib marka Nimankan talada dalka haya waqtigoodu dhammaado in aanu ugu imman weyno dad iyo dal mid ah, waxaanad ka war qabteen maalintii ay kursiga fuuleen ilaa hadda Ummadda Somaliland dhexdeeda isnaca billaabmey, iyo sida aanay diyaar ugu aheyn xannaftii ay doorashadu ka tagtay xallinteeda”.

Dhinaca kalena, Xisbiga Waddani waxa uu baaq u diray Bulshada ku dhaqan Sanaag Barri, “Muuse Biixi wuu tegayaa oo waa hubaal ee yaan lakala tegin, waxaananu guud ahaan Bulshada Somaliland u sheegaynaa inay mudnaantayada koowaad tahay isku haynta dadka iyo dalka, iyo in aanu diyaar u nahay in aanu xallino tabbasho kasta oo ka jirta Gobollada Barri marka aanu kursiga nimaadno haddii ALLE yidhaa”.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Xisbiga Waddani waxa uu tilmaamay in uu dareen waddaniyeed uu ka qabo dadka iyo dalka, “Inay na damqeyso dhiilada maalin kasta joogta ee dhaawaca iyo dhimashada ah, iyo inay na damqeyso furfurka Ciidammada Qaranka ku yimid, iyo inay na damqeyso tabbashadooda aan la dhegaysaneyn, iyo inay na damqeyso kuraasta iyo Xilalka iyo Xoolaha Qaranka ee Ummadda ka dhexeeya in shaqsiyaad gaar ahi isku koobeen oo dheelligii saamiga Xukuumaddu uu dhinac u janjeedho, iyo in Somaliland caddaalad iyo sinnaan lagu wada naaloonayo aanu toosh u sidano oo ay miiska tallad imman doonto cid kasta oo wax tabbanaysa in aanu diyaar u nahay”. Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply