SOMCABLE

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Xukuumadda U Soo Jeediyey In Muddo Saacado Ah Dalka Kaga Saarto Safiirka Dalka Jabuuti

Hargeysa, 03 Sep, 2019 (Himilo)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa si adag uga hadlay jawaabtii uu ka bixiyey Safiirka dalka Jabuuti hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo ku aadanaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti, isla markaana waxay u soo jeediyeen Xukuumadda Somaliland in muddo 24saacadood ilaa 48saacadood ah in ay dalka ka saarto Safiirkaasi.

Ugu horreyna, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dareenka Bulshada Somaliland ka bixisay hadalkii uu dhawaan ku dhalliilay Madaxweynaha dalka Jabuuti oo uu ku sheegay in aannu Madaxweynaha Jabuuti dhex ka ahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu la jiro dhinaca Soomaaliya, isla markaana uu cadaw ku yahay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, waxaanu yidhi, “Marka hore waxaan jeclahay in aan hambelyeeyo dhallinyaro Reer Somaliand ah oo aad iigu hiiliyey markii aan maalin dhaweyd oo aan yar taabtay oo runta u sheegay dawladda  yar ee aynu jaarka nahay ee Jabuuti, Difaaca Qaranka markii hore waxaan odhan jiray waan ku keliyeystay, laakiin waxaan helay Mujtamac badan oo ii hiiliyey markaa waa in aynu u midownaa difaaca Qarankeena oo aynu hoos u dhigno arrimaha dhexdeena ah”. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, isagoo ka hadlaya jawaabtii uu hadalkiisii ka bixiyey Safiirka Dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland waxa uu yidhi, “Aniga falku ima qabto oo waligey Salaad la’aan kumaan bixin”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe

Sidoo kalena, Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isaguna sheegay in aanay aheyn Af Dublomaasiyadeed jawaabtii Safiirka dalka Jabuuti ka bixiyey hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, “Waxa uu sheegtay Ninkaasi (Safiirka Jabuuti) ee uu yidhi waanu kula daalnay Madaxdiina waxaan odhan lahaa Afka soo baro oo maaha Af Dublomaasiyadeed oo waana mid ka baxsan Anshaxa”. Xoghayuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Dhaqankayaga ma aaminsanin Sixir iyo Fal ayaa idin qaban, waxaananu leenahay nama qabto”.

Ramaax waxa kale oo uu sheegay sida uu arko hab dhaqanka Safiirka dalkaasi Jabuuti, “Safiir haddii uu sheeganayo qoraal ayey wax ku soo qoraan, laakiin isagoo jooga dalkii uu martida u ahaa in uu Telifishan u yeedho oo uu wuxuu doono ku hadlo oo markii koowaad aan aheyn runtii waa nasiib darro”.

Dhinaca kalena, Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu farriin siyaasadeed oo ku saabsan joogitaanka Dalka Somaliland uu u diray Xukuumadda, “Xukuumadda Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa in ay muddo 24saacadood ah, haddii ay xammaan badani ka taallo dalka Jabuuti na waxaanu u soo jeedinaynaa in muddo 48saacadood ah dalka lagaga saaro oo waanu sugeynaa oo xilligaasina waanu ka hadli doonaa, haddii waxba laga qaban waayana arrintaasi waa cambaar labaad oo Xukuumadda ku soo noqoneysa oo waxaanu u qaadanaynaa in ay iyaguna la qabaan”.

Ugu dambeyntiina, Masuuliyiintan sare ee Xisbiga Ucid waxay hadaladani ka kala sheegeen goobo kala duwan oo Magaalada Hargeysa ah, balse Xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hadda ka hadal hadalada ay isweydaarsadeen Xisbiga Ucid iyo Safiirka Dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland, kuwaaso dadweynuhu ay si weyn u hadal hayaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply