SOMCABLE

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Dareen Celiyey Cafiskii Madaxweynaha Ee Qayb Ka Mid Ah Ciidanka Caarre

Hargeysa, 08 Oct, 2019 (Himilo)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi-dheere, ayaa ka warramay sida uu arko cafiskii uu dorraad Madaxweynaha JSL u fidiyey qayb ka mid ah Ciidanka uu hoggaamiyo Korneyl Caarre.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaanu u aragnaa in uu Madaxweynuhu uu leeyahay go’aan, Odeyaasha in badan ayey ka soo shaqeeyeen oo way kula soo noqdeen oo arrinkiina meel ayaa la isla dhigay oo go’aan lagu gaadhay in wixii ay la yimaadeen ee cafis ah uu dhammaan Madaxweynuhu qaatay oo wuu qaatay in wax allaale wixii nabad ah ee ay la yimaadaan uu cafiyo oo wuu qaatay”. Guddoomiye ku Xigeenku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Midba si baa loo dhigayaa oo mid shalay isla halkii ayuu kaga dhawaaqay, ta kalena sida ay Odeyaasha iyo Xukuumaddu isla gartaan ayuun bay noqoneysaa, markaa Korneyl Caarre Odeyaashiisii iyo Xidhayaashiisii ayey ahaayeen oo dadkii Gobolka ka soo jeeday ayey ahaayeen oo Shacabka Somaliland oo dhan waa u diyaar in arrintaasi dhammaato”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi-dheere, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu arko in Madaxweynuhu uu cafiyey qayb ka mid ah Ciidankaasi Caarre, “Madaxweynuhu hebel cafiyi maayo oo Qofkaa cafiyi maayo muu odhan ee dhammaan wuu qaatay ee midna igala shaqeeya sidii aynu u cafiyi laheyn ee Dastuurku ogolaa, midna isaga ayaa leh cafiska oo halkii ayuu kaga dhawaaqay oo uu ku cafiyey, markaa si wanaagsan ayaan u arkaa oo si wanaagsana way u dhammaaneysaa”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply