SOMCABLE

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Puntland Ku Eedeeyey In Ay Nabadgelyo Darro Ka Wado BUUHOODLE

Hargeysa, 01 Oct, 2019 (Himilo)-Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax oo ka mid ah Golaha Guurtida JSL ayaa si adag uga digay dhaqdhaqaaq Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen Magaalada Buuhoodle.

Ugu horreyna, Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax oo ah Mudane ka tirsan Golaha Guurtida kana soo jeeda Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay inay Puntland nabadgelyo darro ka wado Buuhoodle, sidaasi awgeedna loo baahan in Reer Buuhoodle Nabadgelyadooda ilaashadaan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Gobolka Buuhoodle waa inay Nabadgelyadooda ilaashadaan oo ay iska qabtaan cid kasta oo Nabada ka soo horjeeda oo ay ugu horreeyaan Nimanka Puntland ah ee yimid dorraad Magaalada Buuhoodle ee ka soo galay dhinaca xadka dalka Itoobiya, kuwaasi oo aan wax maamul ah iyo waxtar midna ku laheyn, waxaanan leeyahay Nabadgelyada hala ilaaliyo”. Xildhibaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Nimankaasi oo yidhi Puntland ayaanu nahay oo haddana sheegtay Buuhoodle inay maamulaan balse ka soo galay xagga xadka Itoobiya, halka qaarkoodna ay sheegeen inay tigidho u soo goosteen, markaa waxaan leeyahay Ninku meesha uu maamulo meel kale ugama soo wareego, waayo iyadoo la ogyahay halka ay ka soo galeen inay tahay dhinaca dalkaasi kale ee aynu jaarka nahay”.

Intaasi kadibna, Xildhibaan Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax, waxa uu farriin u diray Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, “Waxaan leeyahay Nabadgelyada hala ilaaliyo oo Reer Buuhoodle waxay ku caano maaleen waa Nabadgelyada markaa Nimanka Beryahan ba dhaqdhaqaaqa ka waday ee yimid Buuhoodle waxaanu leeyahay fara galinta ka daaya Somaliland, Annagu waanu joognaa oo meel kale uga imman meyno Buuhoodle, markaa Nimankiinaa reer Puntland ee Tigidhada u soo goostay Buuhoodle waxaanu idin leenahay Shacabka ha isku dirina ee Nabada hala ilaaliyo”.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaan Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax, waxa uu baaq u diray dawladda dalka Itoobiya, “Itoobiya waxaan ugu baaqayaa Dadka Nabadgelyo darrada ka wada Buuhoodle ee soo wareegaya ee dhabarka ka soo galaya Buuhoodle waxaan idin leeyahay xadkiina ilaashada oo naga qabta wixii dhinaciina ka soo galaya oo xalay ba Nimankaasi qaar ayaa carraray oo dib u tegay Garoowe oo waxa ku kacay Shacabkii Buuhoodle, markaa Buuhoodle Maamul ayaa ka jira oo Somaliland ayaa ka telisa oo waxba kama sameyn karaan Nin soo wareegaya oo u soo tahriibayaa”.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply