SOMCABLE

Xildhibaan Guurti Ah Oo Farriin Digniin Iyo Dardaaran Ah U Saddexda Xisbi Qaran

Hargeysa, 09 May, 2019 (Himilo)-Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida JSL ayaa si adag uga damqaday hadalada Siyaasadeed ee ay isku hawada isku marinayaan Xisbiyada Somaliland.

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah Golaha Guurtida ayaa Xisbiyada uga digay hadalada bulshada kala fogeynaya, isla markaana waxa uu baaq u diray nasteexo ah oo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan waxaanu yidhi, “Maadaama oo aynu ku gudo jirno bishii barakeysneyd ee Ramadaan waa in aan laga soomin cuntada oo keliya ee waa in wax badan laga soomo oo wixii xun laga daayo dadka, waxaad arkaysaa Niman siyaasiyiin ah oo isku gudbinaya hadalo xanaf leh oo ay dadku u arkayaan inay dhibaato u keenayso, markaa aniga oo aan cidna si gaar ah farta ugu fiiqeyn waxaanse leeyahay dadka haloo tudho oo wixii wanaagsan hala is faro wixii xuna halayska reebo maadaama oo aynu ku jirno bishii barakeysneyd”.

Xildhibaan Khadar waxa kale oo uu Xisbiyada Siyaasada ugu baaqay inay isku tanaasulaan, “Xisbiyada Somaliland, iyaga ayaa doonaya oo dan u tahay doorashooyinka, markaa waxaan leeyahay isku tanaasula, waayo Somaliland waxay halkan ku soo gaadhay isku tanaasulo oo laysku soo dhawaado oo Nin ba aanu meel ka boodin”. Ayuu yidhi Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply