SOMCABLE

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay In Gobollada Barigu Ay Barnaamijka SHAQO-QARAN Kaga Badan Yihiin Gobollada Galbeedka

Dararweyne, 4 Maarij, 2019 (Himilo) – Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa Xukuumadda ku hambalyeeyay hirgelinta Barnaamijka Shaqo-Qaran, kaasi oo uu Shalay daah-furay Madaxweynuhu.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay daah-furka Barnaamijka Shaqo-Qaran oo ka dhacday Degmada Dararweyne, ayaa sheegay inay aad u adag tahay in Hay’ado kala duwan ay dejiyaan barnaamij dhamaystiran oo ka Shaqo-Qaran oo kale ah, sidaasi darteedna hirgelinta Shaqo-qaran ay muujinayso in Hay’adaha Dawladdu taabbo-galeen.

Xildhibaan Jirde oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa aad u adag in Shan Hay’adood oo kala jaad ah inta ay arrin Qaran iskaga yimaaddaan oo ay Qorshe dhamaystiran dhigaan, waa marka Hay’aduhu bislaadaan ayay halkaa gaadhaan, Maantana imtixaankaa waa laga baxay, Illaahay baa Mahad leh.”

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee WADDANI wuxuu sheegay in Barnaamijka Shaqo-Qaran oo loo furay dhallinyaro dhan 1500 ay inta badan ka soo jeedaan Gobollada bariga oo ay kaga badan yihiin Gobollada galbeedka “Aad baan ugu faraxsanahay in Gobolladu barigu ay barnaamijka Shaqo-Qaran ka badsadaan Gobollada Galbeedka, waxaan ku faraxsanahay in Jaamacadah Laascaanood, Ceerigaabo  iyo ta Burco ay kaga badan yihiin Qolyihii hore ee Jaamacadahoodu bislaadeen, markii tartan Xalaal ah la galay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu la dardaarmay dhallinyarada loo furay Shaqo-Qaran “Dhallinyarada waxaan leeyahay Qaranku wuu idiin sameeyay Naf-hurid isagoo curdin ah oo abaaro soo maray, markaa idinkuna Naf-huriddaa ka dhabeeya oo rumeeya oo ka Mahad-celiya.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in barnaamijka Shaqo-qaran uu dhallinyarada u yahay fursad wanaagsan, hadduu si wanaagsan u hirgalana uu Qaranku hore u socon karayo “Dalalka inaga oo kale ah dhibaato ayaa ku dhacda marka Mushtamaca intiisa badan ay noqoto dhallinyaro, haddiise dhallinyarada 15 illaa 29 da’doodu tahay la shaqo-geliyo oo ay Mushtamaca ka mid noqdaan oo ay fursado wanaagsan helaan, Qarankaasi wuu tanaadaa oo hore ayuu u socdaa, haddiise dhallinyaradaa hawshoodu inaga xumaato waxa la saadaalinayaa in Dalal badan oo Afrika ahi hadhi doonaan, laakiin Xalka u weyni waa inay iyagu dhabarka u ridato, wayna u ridatay, waxa dhiman intii Dadweynaha iyo Ganacsatadu inay Mashruucan kala qayb-galaan oo aan keligeed lagu eegin ayaanu rajeynaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Saxaafadda “Waxa kale oo aanu rejaynaynaa barnaamijku wuu cusub yahay, turun-turooyin baa iman doona, wax nusqaan ah baad iman doonta, markaa waxaanu uga fadhinaa Saxaafadda inaan la buunbuunin mushaakilkaa oo aan Mashruucaa la fashilinin oo aan Mashruucaa Gal-daloolooyinkiisa aan waxba laga sheegin oo loo dul-qaato, waayo? waa Masiir Qaran.”

Ugu dambayn, Guddoomiye Jirde wuxuu yidhi  “Anigoo ku hadlaya Magaca Xisbiga, ka Hoggaanka Xisbiga, salaana ka sida Guddoomiyaha Xisbiga oo Caafimaad ku maqan, dhallinyarada waxaan leeyahay Hambalyo, Xukuumaddana waxaanu u ballan-qaadaynaa inaanu isku garab taagno wuxuu nagaga soo hagaaga…”

Himilomedia.com

Hargeys-Somaliland

Leave a Reply