SOMCABLE

Xasuusta Murugada Iyo Naxdinta Xasuuqii Xeebta Jasiira Ee Muqdisho iyo Tirada Dadka reer Somaliland ee ku Naf-waayey

Xasuusta Murugada Iyo Naxdinta Xasuuqii Xeebta Jasiira Ee Muqdisho iyo Tirada Dadka reer Somaliland ee ku Naf-waayey–Q.1aad

 “Nini Waayeel ah oo I ag-fadhiyey baa yidhi waa la inna laynayaa….ilmo yar oo aan ku qiyaasay illaa 13 jir oo gacan ka jabnaa oo na dul-taaganaa ayaa markaasi ooyay, waan aammusiiyay, waanan fadhiisiyay..” Wareysi Gaar ah oo Wargeyska Himilo la yeeshay Ninka keliya ee ka badbaaday Xasuuqii Xeebta Jasiira

Hargeysa, 17 July 2019, (Himilo)-Taariikhdu markay aheyd 17kii July, 1989, waxay ku beegan tahay Sannad-guurada 30-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhacay Xasuuqii Xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee sida badheedhka loogu gummaaday 46-qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Somaliland markii ay taariikhdu ahayd 17 July 1989-kii.

17/7/1989-kii ayaa goor habeennimo ah qaar ka mid ah Ciidammadii dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya xilligaasi ka talinaysay oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, ku xasuuqeen dad shacab ah oo magaalada Muqdisho deggenaa, kuwaasoo laga soo ururiyey guryahoodii iyagoo hurda. waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay dhammaantood ahaayeen Rag, waxaanay da’doodu  isugu jirtay 15-jir illaa 50-jir oo kala ahaa  Macallimiin, Dhakhaatiir, Arday, Ganacsato, Xoog-maal, Xirfadlayaal, Shaqaale dawladeed, Arday iyo dad kale oo Shacab ah oo markaas degganaa Muqdisho.

Cabdirashiid Muxumed Daahir oo ah xubin ka tirsan Guddiga daba-galka Xasuuqa Somaliland, gaar ahaan u qaabilsan Waaxda Macluumaadka iyo Keydka Xogta, ayaa dareenkiisa ku aaddan maalinta iyo xusuuska ay reebtay iyo dedaalka ay Guddi ahaan ka galeen inay beesha caalamka gaadhsiiyaan dhacdadaas oo xusuusteedu meel weyn kaga taallo shacabka Somaliland.

Cabdirashiid oo Wargeyska Himilo hore ugu warramay, waxa uu yidhi, “Xasuuqii Xeebta Jasiira oo ka mid ah xasuuqyadii ugu waaweynaa ee dadka reer Somaliland loo geystay. Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan dadkii iyo ehelkii ay ka dhinteen dadkaas oo isugu jiray dhallinyaro aqoonyahan, arday iyo ganacsato ah oo isugu ahaa Aqoontii iyo acyaantii dadkan, ayaa halkaa lagu laayey iyadoo isir loo laynayey oo si gaar ah loo xushay. Ururka Laanqeyrta Cas ayaanu ka dalbannay inay noo soo qaaddo Qalfoofkii. Ballan ayaanu lahayn, qolo Nairobi ka imanaysay, ayaa madaxtoodii lanoo ballamiyey, nasiib-darro way noo suurta-gali weyday inaanu la kulanno,  laakiin ballan kale ayaanu qabsannay, waanu sugaynaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wattay, waxa uu yidhi, “Dawlad muctarif ah oo lagala xaajoon karo ma laha, laakiin waanu dhirraan-dhirinaynaa arrinkaa. Markhataatiyadii iyo dadkii ehelka ahaana waanu waraysannay, xog badan baanu ka haynaa oo aanu guddi ahaan diyaarinnay. Hay’addii dacwadda Cali Samatar waday, ayaa waraystay Markhaatiyada.”

Dhinaca kale, Cabdirashiid waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyey Guddoomiyaha Wargeyska Himilo Madar Cabdi Axmed oo guddiga Baadhista Dastuurka kaalin muhiim ah kala qayb-qaatay hawsha baadhista iyo soo-bandhigista xogaha laga hayo Xasuuqyadii loo geystay Shacabka Somaliland.

Dadka lagu xasuuqay Xeebta Jasiira oo iyagoon waxba gallabsan denbina lagu soo oogin, isla markaana aan fal denbiyeed ku gudo-jirin, si lama filaan ah Ciidanku ka soo ururiyeen guryohooda, si toos ah ugu gummaadeen goobta loo yaqaan Xeebta Jasiira, gaar ahaanna Bacaadka, waxaana halkaas ku naf-waayey 46 qof Illaahay naxariistii Janno hawgu deeqee halka hal qof oo keliya Illaahay awooddiisa kaga badbaadiyey, kaasoo la yidhaa Cumar Muuse Mire oo haatan ku nool waddanka Kuweiyt.

Shaqsigan ka badbaaday Xasuuqii Xeebta Jasiira, ayaa Rasaastii faraha badnayd ee lagu gummaadayey dadkaasi ee ay ku naf-waayeen 46-ka qof, waxa ka soo gaadhay dhaawac fudud oo ah garabka. Waxaanu noqday shaqsigii caddeeyey Xasuuqaas iyo siduu u dhacay-ba. Cumar Muuse Mire oo taariikhadaa uga warramay Weriye Madar Cabdi Axmed oo hadda ah Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Media Group, ayaa waxa uu ka xog-warramay sidii loo soo ururiyey ee loo geeyey Xeebta Jasiira ee loo gummaaday iyo waliba sidii uu ku badbaaday isagu.

Waxaanu Ninkaas keligii ka badbaaday oo dhacdadaas Xasuuqa Xeebta Jasiira ee murugada badan ka warramaya uu yidhi; “Magacaygu waa Cumar Muuse Mire. Waxaan ahay shaqsigii Ilaahay ka badbaadiyey xasuuqii Xeebta Jasiira ee Muqdisho, kaasoo dad badan oo reer Somaliland ah lagu xasuuqay taariikhdu markay ahayd 18-kii July 1989-kii. Waxaan idiinka warramayaa sidii xasuuqaasi u dhacay iyo qaabkii Ilaahay (SWT) iiga badbaadiyey.”

“Waxaan ku noolaa oo aan daganaa Muqdisho, gaar ahaan degmada Madiina, Xaafada Buulo Xuubay. Sidaasi darteed ayaan goor hore u carraabay gurigii aan deganaa, maadaama oo ay magaaladu bandoo ahayd maalmahaasi, intii aan sii socday ayaan jidadka iyo isgoysyada ku sii arkayey gaadiidka ciidanka dawladda iyo askar hubaysan oo meelo door ah taagtaagan iyo kuwo gaaf wareegaya xaafadaha dhexdooda, waxaanan u fahmay hawlgalkii bandooga.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Muuse Miri.

Waxaanu intaas ku sii daray oo yidhi; “Waxaan tagay gurigii aan degenaa oo ay ku sugan yihiin dhammaan dadkii guriga ku noolaa, yar iyo weyn, Rag iyo Dumar intaba. Sidaas awgeed, markii aannu waxoogaa ku caweynay gudaha guriga ee uu qof waliba dhammeystay hawlihiisii, ayaannu dhammaantayo u seexannay si nabad ah. Nasiib-darro-se si kedis ah oo argagax leh ayey saqdii dhexe Albaabkii guriga noogu garaaceen Askar hubeysan oo ka mid ah Ciidankii dawladda.  Waxaannu guriga ku joognay Rag ahaan  illaa shan nin, iyadoo nin naga mid ahaa uu toosay, damcayna inuu furo Albaabkii Askartu xoogga u garaacaysay, waxaana dayrka soo fuulay Askari, kaasoo qorigii ku qabtay, kuna qasbay inuu Albaabka furo, balse ninkii wuxuu damcay in uu weydiiyo Masuulkii guriga lahaa oo ahaa Cabdirisaaq Caydiid  in uu furo guriga iyo in kale. Markaa, isna wuu soo kacay oo shanqadha ayuu maqlay, isagoo daaradda maraya ayay qorigii ku qabteen isna oo ay yidhaadeen ‘Albaabka fura’.”

“Sidaas ayaana Albaabkii lagaga furay Askartii, waxaana gurigii gudaha u soo galay shan Askari oo hubaysan oo sitay qoryaha AK 47, intaasi ka hor ayaan anigu Cumar ahaan, waxaan galay Suuliga oo aan is idhi ku dhuumo, Askartii qol-qol ayey u baadheen oo ay u soo kiciyeen dadkii hurdey,  dabadeed waxaan is idhi bal eeg waxa ay samaynayaan waxaanan laagay daasado meel ku rasaysnaa, waanay soo daateen, shanqadhii ayey maqleen, mid ka mida Askartii ayaa dib iigu soo jeestay oo qorigii dhinacayga ku soo qabtey, intuu cabbeeyey, waxaanu yidhi;  ‘yaa meesha ku jira? Waxaan idhi ‘annigaa ku jira.’ Kadibna waxa uu igu yidhi ‘soo bax’.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Muuse Miri.

Waraysigaas oo sii socda waxa uu Cumar Muuse Miri ku yidhi; “Markii aan soo baxay Askarigii xagga daaradda ayuu ii riixey, waxaanan arkey in guriga wixii Rag joogay oo dhan daaradda loo soo wada saaray oo lagu urruriyay, waxaana nagu jiray nin da’diisu weyn tahay oo la odhan jiray Saxardiid Yaasiin Xaaji Cabsiiye, oo naafo ahaa, kuna boodayay laba qori oo xilligaas ka yimid Dhakhtar dibedeed, waxaanay Askartii yidhaahdeen; ‘kan innaga daaya Dumarka ha la joogee, intayadii kalena dibedda ayey gurigii nooga saareen. Sidaas ayaannu kaga tagnay oo afartayadii kalena waxay na geeyeen meel ay Rag badan ku ururiyeen oo ay taagnaayeen Baabuurtii Millateriga iyo Askar tiro badan oo Tuute gashanaa, isla markaanna Raggii la soo ururiyay ee guryahooda lagala soo baxay ayaa loo fadhiisiiyey saf-saf midkiiba ka kooban yahay shan nin oo is daba fadhiya, qof kastaana uu Madaxiisa kula jiro labadiisa jilib dhexdooda, oo ay waliba Askartu garaacayaan, sigaarkana ku bakhtiinayaan, dadkii ayaannu annaguna ka mid noqonnay oo sidii ay u fadhiyeen ayay yidhaahdeen u fadhiista.”

Cumar Muuse Miri oo si taako-taako ah uga warramaya daqiiqad kasta wixii dhacayey ee ay la kulmeen waxa uu yidhi; “Markii aannu waxoogaa fadhinay ayaa mid ka mid ah Askartii lagu yidhi; ‘tiri’, waxaanu yidhi; ‘Taliye waa 48 qof.’  Ka dibna waxa ninkii Taliyaha ahaa yidhi; ‘saara  gaadhiga.’ Gaadhi wayn oo ciidan ayaa nala saaray oo ah kuwa xamuulka qaada ee loo yaqaan bagaase, waxaanna soo fuulay Askartii na ilaalinaysay, Askarta intoodii kalena waxay fuuleen gaadhi kale oo la mid ah ka nala saaray, waxa na loo dhaqaajiyay xagga Koonfurta magaalada Muqdisho, oo ku aaddan Masnaca Sifaynta Baatroolka. Markaannu woxoogaa sii soconaynay ayaannu ka weecannay waddadii laamayda ahayd ee aannu mareynay, waxaana nala mariyey waddo raf ah oo u leexatey dhinca Badda. Halkaas markaannu marayno ayaa nin weyn oo agtayda fadhiyey yidhi; ‘waxaan u mallayn in la inna laynayo. Waayo? Halka aynu ku soconno kuma yaallo Jeel, haddii uu Jeel ku yaallo waddo ayaa tegi lahayd.”

“Ilmo yar oo aan ku qiyaasay illaa 13 jir oo gacan ka jabnaa oo na dul-taaganaa ayaa markaasi ooyay, waan aammusiiyay, waanan fadhiisiyay, waxaannu gaadhnay Badda dhinaceeda oo ahayd meel Bacaad badan oo Tuulan leh, markaasi ayay Askartii gaadhigii ka degeen, annaganaa nalaga soo rogay, dhulkaana nalagu ururiyay. Askartii qaarkood ayaa fuuley Buurtii ciidda ahayd, waxaanna gaadhigii yaraa ee ay wateen loo kaxeeyay xaggaasi, markii aannu woxoogaa joognay ayay noo yimaaddeen Askar ku dhawaaqaysa fura Albaabada, taasoo aan u malleeyay inay doonayaan si aannaan u kala yaacin ee aannu u moodno in nala gelinayo Jeel.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Muuse Miri.

Haddaba Akhristayaal Wareysigan qaybtiisa labaad iyo Waraysiyo kale oo uu Weriye Madar Cabdi Axmed oo ah Guddoomiyaha Warbaahinta Himilo Media Group la yeeshay Qoysas ku Wiil, Waalid, Walaal iyo Hooya-ba waayey Xasuuqaas Xeebta Jasiira iyo Wareysiyo kale oo uu la yeeshay Guddiga Daba-galka Xasuuqa ee Somaliland, Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo dhacdadaa ka warramaya iyo kuwo kale oo xiiso, murugo iyo mugdi badan leh oo dhammaantood ka warramaya Xasuuqii Xeebta Jasiira saamaynta uu ku yeeshay qoyasas ahaan, shaqsiyo ahaan iyo siday wax u dhaceen ku saabsan, waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa qormooyinkeenna tan xiga ee Caddadyada soo socda ee Wargeyska Himilo.

HALKAN KA DAAWO FILIM TAARIIKHIYA OO KU SAABSAN XASUUQII XEEBTA JASIIRA

La Soco qaybo kale iyo Xogo muhiim ah oo ku saabsan Xasuuqii Xeebta Jasiirka ka dhacay 17 July, 1989, oo uu Wargeyska Himilo si taxane ah idiinkugu soo gudbin doono Caddadyada kan maanta xiga haddii Illaahay yidhaahdo Insha Allaah.

Akhriste, Fadlan wixii xog, macluumaad iyo talooyin ah ee aad Ku darsanayso Qormooyinkan noogu soo hagaaji Madar088@gmail.com ama TEL: +252 63 4420412

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply