SOMCABLE

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumadda Uga Digtay Xadhiga Sharci Darrada Ah

Hargeysa, 27 August, 2019 (Himilo)-Xarunta Xuquuqul Insaanka ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay Xorriyada u soo celiso afar Qof oo ay sheegeen inay sifo sharci darro ah u xidhan yihiin oo aan Maxkamad la hor geyn.

Haddaba, War qoraal ah oo ay soo saartay Yaasmiin Cumar X. Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka oo arrintaasi ay si qoto dheer ugaga hadlayso oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso afar qof oo sifo sharci darro ah ugu xidhan muddo sanad ka badan iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn.

Cabdillaahi Faarax Cabdillaahi, 13 jir, Jaamac Ibraahim Xasan, Maxamed Cabdillaahi Maxamed iyo Siciid Jaamac Ismaaciil, 16 jir, waxay booliska Somaliland kasoo xidheen deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, Julay 2018, iyaga oo aan haysan amar qabasho oo maxkamadeed.

Waxa soo qabqabtay ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee RRU da, Isla markii la soo qabtayba waxa lagu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, oo boqolaal kiiloo mitir u jira guryohoodii iyo qoysaskoodii.

Mar qudha maxkamad lama hor geyn.

Sanadkii 2018 waxa isku dhac beeleed oo ka dhacay tuulada Ceeryaan ku dhintay saddex qof. Ciidanka RRU da ayaa la geeyey goobahaas. RRU da ayaa markaa soo xidhay afarta qof ee ilaa immika xidhan. Qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.”

Afarta qof ee July 2018 la xidhay maxkamad lama geyn. Wax eed ah laguma soo oogin. Mana jirto dacwad laga gudbiyay oo lagu haysto.

Waxay ku jireen xabsiga muddo saddex iyo toban bilood ah iyada oo aan eed lagu oogin, maxkamad la geyn, dembi lagu haystona loo sheegin. Sida ku cad qodobka 47(3) ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka xidhan ka hor intaan dacwad lagu soo oogin waaa in toddabodii maalmood ee kasta hal mar la hor geeyo garsoore.

Waxa cad in lagu gefay Xeerka Habka Ciqaabta ee Somaliland. In dad la iskaga hayo xabsi muddo aan cayinayn oo daba furan ah waa arrin sharciga ka soo horjeedda.

Waxa sidoo kale lagu gefay Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta oo waxa ka mid ah dadka xidhan laba ciyaal ah oo ka yar da’da 18.

Maaha masuuliyiinta dawladdu inay u adeegsadaan khilaafaadka beelaha inay ka dhigtaan marmarsiiyo ay dhinac iskaga riixaan dastuurka. Marka dagaaladu jiraan waa xilliga ku habboon ee la eego kalsoonida iyo awoodda hay’adaha dawladeed. Shaqada garsoorku maaha oo keliya xilliga nabadda, ee sidoo kale garsoorku waa inuu shaqadiisa guto xilliyada rabshaduhu jiraan.

Qodobka 9(1) ee Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo kuwa Siyaasiga ah ayaa sheegaya “Qofna si sharciga ka soo horjeedda ah looma xidhi karo, layskagamana hayn karo, qofna xorriyadiisa lagagama xayuubin karo sifo sharciga ka baxsan.”

Sidoo qodobka 9 ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Insaanka ayaa sheegaya “qofna ma mudan karo xadhig ama hayn sharci darro ah.”

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay ixtiraamto dastuurkeeda oo ay sii dayso dadkaas loogu hayo xabsiga sifo ka soo horjeedda qaanuunka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah, iyo inay joojiso falalka kale ee la midka ah ee ka dhacaya gobolka Sanaag.

Xaruntu waxay ugu baaqaysaa garsoorka Somaliland inay ilaaliyaan xorriyaadka dadka oo ay hubiyaan in dadka laga soo xidho gobolka Sanaag la hor geeyey garsoor”.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply