SOMCABLE

Xanuun ka dillaacay Burco Oo Dad Kala Duwan Halleelay & Xukuumadda Oo Ka Digtey Goobo Si Khalad Ah Loogu Daaweynayo 

Burco, 06 Oct, 2019 (Himilo)-Xanuun cusub oo ka dillaacay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco oo halleelay dad kala duwan, isla markaana ay xukuumaddu ka digtay inay jiraan goobo si khalad ah dadka loogu daweynayo oo siinayo dawo aanu u baahnayn oo ay lacag badani kaga baxeyso.

Ugu horreyna, Agaasimaha Cusbitaalka Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Mudane Cabdi Suudi, ayaa arrintan si faahfaahsan uga warramay waxaanu yidhi, “Xanuunkani magaalada wuu ku badan yahay oo Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco ilaa shalay kamaan qoob qaadin oo dadka xummadiisii ka cabbanaya iyo dadka curruuqaha ka cabbanaya ee kici kari la ayaa noogu immanayey”. Agaasimuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Xanuunkani ma leh dawo rasmi ah oo qofka marka la siiyo uu ku bogsanayo ee waxa uu leeyahay dawo caawimo ah oo aanu dadka siinayno oo u suurto gelinaya inay callaamadahaasi ka ba’aan oo uu qofku markaa ka bogsanayo cudurkaasi”.

Agaasimaha Cusbitaalku waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey cudurkan iyo jeermisyada keena, “Runtii, waa xanuun inagu cusub oo laba sano ka hor ayaa magaalada lagu arkay oo haddana imika ayuu soo rogaal celiyey waxaanay Bulshadu ula baxday magaca ah KUDDUUDIYE, maadaama oo uu dadka ka qabanayo curruuqaha oo ay ku adkaanayso inay kacaan, runtiina xanuunkan waxa keena Jeermisyada loo yaqaano Fayral infekshaniska, kaasoo ay gudbiso nooc ka mid ah kaneecadu”.

Dhinaca kalena, Suudi waxa uu tilmaamay callaamadaha lagu garan karo xanuunkani, “Xanuunkan waxa lagu arkaa Qofka Calaamado ay ka mid tahay inuu yeesho Xummad fara badan, madax xanuun, curruuqaha oo laga qabto oo dadka ay ku adkaato kicista iyo socudku, iyo in uu qofku yeesho cuncun badan”.

Ugu dambeyntiina, Agaasimaha Cusbitaalka Magaalada Burco, waxa kale oo uu ka digay goobo uu sheegay in si khalad ah dadka loogu daaweynayo, “W  axa jira goobo si khalad ah dadka loogu daaweynayo oo waddo khalad ah loo marayo, laakiin dhimasho muu keenin, balse waxaanu dadka uga digayaa in muddooyinkan danbe magaalada Burco lagu arkayo meelo Farmasiiyo ah oo dadka lagu siinayo dawooyin khaldan oo ah kuwa loo yaqaano xanuun baabiiye (Antibiotic), iyadoo aanu Qofka uu xanuunkani ku dhaco u baahnayn dawooyinkaasi oo aanu aheyn xanuun dhimasho keenaya ee waa in la siiyo oo keliya kuwo xummada ka jabinaya, waxaanan uga digeynaa kuwa Bulshada shaybaadhka u diraya ee lacagta badan ku kharash garanaysa ee dadka u qoraya dawooyin iraab ah oo antibiyootic ah, markaa waxaanu leeyahay inay waxaasi oo dhan dadka ka daayaan oo ay dadkooda ka daayaan dhibtaasi, markaa dadka waxaanu leenahay xanuunkan marka uu qofka muddo yar hayo wuu ka ladnaanayaa ee isticmaala maro kaneecada”. Ayuu yidhi Agaasimaha Cusbitaalka Magaalada Burco

Himilomedia.Com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply