SOMCABLE

Wiil Yar Oo La Afduubay Sanado Ka Hor Oo Ka Soo Baxsaday Goobtii Lagu Hayey, Bileyskana Ku War Galiyey Ciddii Qafaalatay !

Wiil yar oo la Afduubay sanadkii 2011kii kadib markii ay hooyaday is deldeshay, ayaa waxa uu afduubkaasi loo haystay muddo sideed sanadood ah, balse wiilkaasi yar ayaa waxa uu ku guuleystay inuu ka soo baxsado goobtii lagu hayay, wiilkan ayaa kadib markii uu soo baxsaday waxa gacanta ku dhigay ciidammada Bileyska Magaalada Boston ee dalkaasi Maraykanka.

Sidaana waxa lagu baahiyey Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, wiilkan ayaa hooyadii ka hor intii aanay qudha iska jarin waxay ka kaxaysay dugsi uu wax ka baranayey oo la yidhaahda Greens Man waxaana dugsigaasi geeyey Aabihii.

Hooyada dhashay wiilkaasi ayaa waxay dugsiga ku war galisay inay wiilkeeda arrin muhiim ah u kaxaynayso waxa aanay u qaaday fasax saddex maalmood ah waxa aanay wiilkan yar da’diisu ahayd xilligaasi lix jir.

Wiilkan yar ayaa haatan waxa lagu daawaynayaa dhakhtar ku yaalla halkaasi waxaana gacanta ku haya ciidammada Bileyska oo baadhaya kooxda ama cidda wiilkaasi uu u afduubnaa muddada sideeda sanadood aheyd.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply