SOMCABLE

Wiil Yar Oo La Aasay Muddo Kadiban Laga Soo Saaray Isagoo Nool !

Dalka Masar waxa ka dhaca dhacdooyin aad u layaab badan oo cajiib ah oo ay ka mid yihiin wiil yar oo u dhashay Dalkaasi oo ay Da’diisu tahay 3 jir oo la aasay oo la mooday inuu geeriyooday, balse ka soo baxay goobtii lagu aasay.

Sida lagu baahiyey Barta Bawaabatul Wafd ee dalkaasi laga leeyahay oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegay in wiilkan yar uu Baaskiil uu leeyahay ku ciyaarayey goob bannaan ah waxaana ku soo baxay nin da’weyn oo goobtaasi deganaa waxa aanu ku amray in aanu ku ciyaarin goobtaasi ee uu meel kale la tago baaskiilkiisa.

Wiilkii yaraa ayaa arrintaasi ka dhega adaygay waxa aanu ninkii duqa ahaa gacanta ku dhigay wiilkii yaraa waxaanu u garaacay si arxan darro ah, intaasi kadib markii uu wiilkaasi jidhkiisu u adkeysan kari waayey garaacaasi xad dhaafka ah ayaa uu talax gabay isla markaana uu dhaqaaqii joojiyey, ninkii duqa ahaa ayaa waxa uu u qaatay in wiilkii yaraa geeriyooday waxa aanu qaaday ilmihii yaraa waxa aanu u qoday god meeshii uu deganaa ka yara durugsan oo uu wiilkii ku aasay godkii uu qoday.

Wiilkii yaraa ayaa godkaasi ku jiray hal habeen, balse subaxii dambe ayaa carruur yar oo goobtii wiilkaasi lagu aasay ku ciyaarayay waxa arkeen wax ciida hosteeda ka dhaqdhaqaaqaya, dabadeedna way qayliyeen waxaana qayladoodii ku soo carraray dadkii waaweynaa waxa aanay qodeen godkii waxa aanay soo saareen wiilkii yaraa oo nabaro kaga yaalaan wajiga isla markaana naqasku hayo.

Intaasi kadib ayaa waxa la raadiyay wiilkaasi waalidkii waxaana gacanta laga galiyay hooyadii, hooyada dhashay wiilkani yar ayaa waxay arrintaasi gaadhsiisay ciidammada Bileyska ee Al-munya kuwaasi oo bilaabay baadhitaano ay ku soo qabanayaan cidda falkaasi arxan darrada ah geysatay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply