SOMCABLE

Wiil Yar Oo Ku Dhacay Disdi Weyn Oo Biyo Kulul Ku Jireen Oo U Geeriyooday Dhaawacyo Soo Gaadhay Jidhkiisa 70% !

Wiil yar oo u dhashay Dalka Ukrain oo ay da’diisu aheyd laba jir ayaa waxa uu ku dhacay disdi ay ka buuxaan biyo kulul oo karayey oo dabka Saarnaa Xilli ay Hooyadii dhashay ku mashquulsaneyd isla markaana ay gacanta ku haysay hawlo kale.

Sida lagu baahiyey Daily Mail Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Wiilkan yar ayaa waxa uu geeriyooday toban maalmood kadib markii dhibaatadaasi soo gaadhay, 70% wiilkaasi yar jidhkiisa ayaa waxa soo gaadhay dhaawacyo halis ah.

Wiilkan yar ayaa waxa uu geeriyooday xilli loo diyaarinayey in la geeyo dhakhtar carruurta ah oo ku yaalla Magaalada Boston ee dalkaasi Maraykanka, balse wiilkaasi yar ayaa geeriyooday ka hor intii aan dhakhtarkaasi la geyn waxa aanay dhakhaatiirtu sheegeen in difaaca jidhka ee wiilkaasi yar guud ahaan ba joojiyay shaqada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply