SOMCABLE

Wiil Iyo Gabadh Uu Dhalay Madaxwayne Ordegan Oo Noqday Mulkiilayaasha Hudheelka Madaarka Ugu Weyn Yurub Oo Laga Dhisay Istanbul !

Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga ayaa waxa dhawaan loo dhisay Madaar cusub oo uu ku yaallo Hal Hudheel oo cuntada laga cuno.

Sidaana waxa lagu baahiyay Jarriidada Zamanarabic ee laga leeyahay dalkaasi Turkiga oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Hudheelka qudha ee cuntada laga cuno ee gegida diyaaradaha cusub ee Magaalada Istanbul iska leh wiil iyo gabadh uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi, kuwaasi oo magacyadooda la kala yidhaahdo Bilaal oo ah wiilka Madaxweynaha iyo Sumaya oo ah gabadha uu Madaxweynuhu dhalay.

Hudheelkan ayaa waxa la sheegay inuu qiima aad u sareeyo ku iibinayo cuntooyinka waxa kala oo la jarriidadaasi shaacisay in rag kale oo hantiilayaal ahi ay la leeyihiin wiilkaasi iyo gabadhaasi Hudheelkani.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply