SOMCABLE

Wefti Midowga Yurub Ah Oo Hoggaamiyeyaasha Gollayaasha Qaranka Kala Hadlay Sidii Doorashooyinku Waqtigoodii Ugu Qabsoomi Lahaayeen

Hargeysa, 10 Oct, 2019 (Himilo)-Wefti ka socda Midowga Yurub ayaa socdaal ujeedadiisu tahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen qabsoomida doorashooyinka u yimmi dalka Somaliland, isla markaana kulamo kala yeeshay arrintaasi Madaxweynaha JSL, iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Ugu horreyna, Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Kulankan ayaa waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga Yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo Safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland”.

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu kulanka ku wehelinayey Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga Yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga Yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.

Dhinaca kalena, Weftigan ka socday Midowga Yurub ayaa booqday Xarunta Golaha Wakiillada, isla markaana kulan kula yeeshay Shirguddoonka Golahaasi.

Haddaba, kulankaasi ka dib ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax, uu ka warramay waxyaalihii lagaga wada hadlay waxaanu yidhi, “Safiirka Midowga Yurub waxa uu nagu soo booqday Golaha Wakiillada, waxaanay ujeedadiisu aheyd sidii doorashada waqtigeedii lagu qaban lahaa, waxaanu daba socday heshiiskii saddexda Xisbi Qaran dhawaan gaadheen, markaa arrintaasi way dhammaatay oo wax ka hadhsan ansixintii Xubnaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, sidaasi awgeed Safiirku waxa uu doonayey inuu Baarlamaanka u sheego in Doorashada waqtigeedii lagu qabto oo wixii dhinacayaga yaallana aanu dhaqso u dhameystirno”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply