SOMCABLE

Wefti Ka Socda Holland Oo Hargeysa La Yimid Liisaska Dad Reer Somaliland Ah Oo Ay Doonayaan In Dib Loo Soo Celiyo & Natiijada Shir Ay La Yeesheen Dawladda

Dawladaha Holland Iyo Somaliland Waxay Heshiis ka gaadheen Dadka Reer Somaliland ee Iskood Dalka Dib Ugu Soo Noqonaya

Hargeysa, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Wefti ka socda Dawladda Netherland (Holland), ayaa Shalay booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan oo uu hoggaaminayey Safiir ku-xigeenka Holland u jooga Dalka Soomaaliya isla-markaana ay wehelinayeen Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Laamaha Socdaalka u qaabilsan Holland, ayaa waxay Magaalada Hargeysa u yimaaddeen inay Dawladda Somaliland kala hadlaan Qorshe ay ku doonayaan inay dib u soo celiyaan Muwaadiniin reer Somaliland ah ee Holland ku nool.

Safiir ku-xigeenka Holland u jooga Soomaaliya iyo Saraakiisha la socday oo Shir la yeeshay Maareeyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Baro-kacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa u soo bandhigay Liisas ay ku qoran yihiin Magacyada dad reer Somaliland ah, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka mid yihiin Dad reer Somaliland oo Holland sharciga u diiday ee ay doonayaa inay dib ugu soo celiyaan.

Maareeyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Baro-kacayaasha Somaliland oo Shirka uu la yeeshay Weftigaasi ka dib, la hadlay Warbaahinta ayaa ka warramay waxyaabihii ay ka wada-hadleen Weftiga ka socdey Dawladda Holland, waxaanu yidhi  “Waxaanu la kulanay Wefti ka socday Dawladda Holland, weftiga waxa hoggaaminayey Safiir ku-xigeenka Holland u fadhiya Soomaaliya iyo Wasaaraddooda Arrimaha Dibedda iyo Xafiisyadooda Socdaalka, waxayna Dalka u yimaaddeen shaqo khuseysa Xafiiskan (Qoxootiga iyo Baro-kacayaasha JSL), waxay doonayeen inaanu ka wada-hadalno Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Netherland oo ay iyagu laba qaybood ka hadlayeen, kuwaasi oo kala ah Dadka Iskood u soo noqonaya iyo Dadka aan Sharciga lahayn ee la doonayo in la soo celiyo.”

Maareeye Xinif wuxuu sheegay inay ka heshiiyeen Dadka reer Somaliland ee iskood dalka dib ugu soo noqonaya “Dadka Iskood u soo noqonaya waanu ka heshiinay sidaanu meelo kaleba uga heshiinay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay wax heshiis ah ka gaadhin in la soo celiyo Dadka reer Somaliland ee sharci la’aanta ku jooga Holland “Laakiin, Dadka aan Waddankaa (Holland) Sharciga ku lahayn Arrinkooda isla maanaan meel dhigin, wax aanu kaga heshiinayna ma jirto.”

Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in Saraakiisha ka socday Dawladda Holland siteen Liisaska Dad reer Somaliland ah oo ku nool Holland, balse la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo “Waxay siteen Liisas Dadka reer Somaliland ee Holland jooga ee sharciga loo diiday, oo illaa 10 Qof ah, kuwaasi oo ay leeyihiin waxaanu doonaynaa in la soo celiyo oo aad naga aqbashaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Arrintaasi maaha arrin si yar oo fudud loo yeeli karo, maaha arrin la iska odhan karo soo celiya, markaa arrinkaa waxba kagamaanaan heshiinin, laakiin waxaanu ballansanahay laba bilood ka dib…”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply