SOMCABLE

Weerar Qaraxyo Ah Oo Lala Beegsaday Saldhig Ciidammada Dowladda Soomaaliya Leeyihiin

Aw-dhiigle, 14 August, 2019 (Himilo)-Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar culus oo ay qaraxyo ku billawday ku qaadeen saldhig ciidammada dowladda dalkaasi Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Awdhiigle oo ay dhawaan la wareegeen.

Dadka deegaanka oo ay warbaahintu la xidhiidhay ayaa sheegaya inay maqleen jugta qarax xoogan iyo rasaas culus oo xigtay, waxaana loo malleynayaa in ay gudaha u galleen qaraxyada kaddib saldhigga xoogag hubeysan ee Ururka Al-shabaab.

Ciidammada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa toddobaad ka hor waxay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Awdhiigle oo ay muddo dhowr sano ah ay maamulayeen.

Haddaba, khasaaraha ka dhashay halkaasi ayaa la sheegay in

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply