SOMCABLE

“Waxa Aan Farayaa Ummadda Somaliland Inay Ilaahay (SWT) Ka Cabsadaan Oo Ay Towbad Keenaan Isna Saamaxaan…”-Wasiirka Diinta

Salaad Roob-Doon Ah Oo Laga Tukan Doono Guud Ahaan Dalka Somaliland

Hargeysa, 11 Apr, 2019 (Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa shaaciyey in Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo dhan laga oogi doono salaadda roob-doon ah maalinta Axadda ee ay taariikhdu tahay 14 April 2019, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Wasiir Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo qoraal soo saaray shalay oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Maadaama oo aynu nahay ummad muslim ah, marka uu sidan oo kale roobku dib u dhaco, raxmadduna raagto, waxa Rasuulkeenna suubbani (SCW) uu tukan jiray salaadda roob-doonta.

Sidaa awgeed, innaga oo raacayna sunnaha Rasuulkeena (SCW), aniga oo ku hadlaya magaca Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa aan farayaa dhammaanba ummadda reer Somaliland inay Ilaahay (SWT) ka cabsadaan oo ay towbad keenaan, isna saamaxaan, kana qaybgalaan salaadda roob-doonta ah oo ka dhici doonta dhammaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland maalinta Axadda (ee taariikhdu tahay) 14 April 2019 ee ku beegan 9 Shacbaan 1440 ee hijriga ah, saacaddu marka ay tahay sagaalka (9:00am) subaxnimo, haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu ku saxeexan yahay Wasiir Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply