SOMCABLE

‘Waxa aan Cafiyay Cid Kasta oo intii aan Xilka Hayay ii Calool-xumayd, i Xamatay ama i Cambaareysay’

Agaasimihii guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo cafis ka dalbaday cid kasta oo dhib ka tirsanaysa

Hargeysa (Himilo)-Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa sheegay inuu cafiyey, isla markaana si guud u saaxamay cid kasta oo dhib iyo gef kula kacday muddada uu xilka hayey, halka uu sidoo kale cafis weydiistay cidda isaga dhibaato ka tirsanaysa.

Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo xilka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka si rasmi ah ugu wareejiyey shalay Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Md. Jamaal Cabdi Muuse, waxa soo saaray qoraal uu kaga hadlay xil-ka-qaadistiisa iyo in aanay arrintaasi wax cadho iyo dudmo ah ku keeni doonin, qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan;

“Ugu horeyn, ILAAHAY ayay mahad oo dhammi u sugnaatay, nabadgelyo iyo naxariisina Suubanaheena Muxammad. Maanta (shalay) waxaan si rasmi ah aan u wareejiyay xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo aan muddo 1-sanno aan ahaa.

Mar labaad waxaan uga mahad-celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo horena iigu gartay in aan qarankayga u sii shaqeeyo, kaas oo sannad ka hor ii soo beddelay Wasaaraddan Xidhiidhka Golleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo qiimo weyn ugu fadhida Qarankeenna. Isla imminkana ii gartay inuu xilka iga qaado, taas oo ah sunnaha dowladnimada, maadaama xilku yahay meerto qori-isku-dhiib ah.

Sidoo kale, waxaan isagana mahad-naq iyo abaalba ugu hayaa Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu ii magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha bishii July 2013, waana Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhiiraday in dhallinyarada xilal culus lagu aamini karo, tallada dalkana ka qeyb-geliyay.

Waxaan qaddarin, mudnaan, sharaf iyo aamminaad aad u weyn u hayaa Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Md. Maxamed Xaaji Cilmi waxaanan iyagana iloobi karin guud ahaanba shaqaalo weynaha Wasaaradda ee gobollada dalka, shaqaalaha xarunta, Agaasime-waaxeedyada, Madax-qeybeedka iyo La-taliyeyaasha sidii hufnnaanta iyo xil-kasnimadda lahayd ee aanu u soo wada shaqeynay, taasi oo ay ku timid horumar iyo guul kasta oo noo qabsoontay muddadii sannadka ahayd ee aan xilka Agaasimaha Guud aan ahaa.

Sidoo kale, waxaan Agaasimaha Guud ee cusub Md. Jamaal Cabdi Muuse ugu duceynayaa inuu ILAAHAY u fududeeyo xilka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ku boorinaya inay sidii milgaha lahayd ee looga bartay ula shaqeeyaan.

Waxaan u mahad-naqaya guud ahaanba Masuuliyiintii kala duwana ee Wasiirrada, Agaasimeyaasha, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Asxaabta iyo marti-sharafta lahaa ee ka soo qeyb-galay xafladda xil-wareejinta. Mahad kale oo mug iyo miisaan xambaarsan waxaan u celinayaa dadkii inta aan xilka hayay aanu ka middeysnayn fikirka, fahamka iyo arragtida saaxadda Siyaasadda, kuwaas oo dalka iyo dibeddiisaba jooga oo markasta i dhiirri-gellinayay iyo kuwa tallooyinka, tilmaamta iyo toosinta wanaagsanba aan ka helayay.

Waxa kale oo aan maanka ku hayaa, isla markaana mahad-naq kal iyo laab ah u hayaa dhammaanba Asxaabtayda, ehelka iyo cidkasta oo igu soo hambalyeysay sidii aan shaqada Qaranka u hayay u gutay iyo kuwii
iigu duceysay ina rajeysay kheyr iyo in aan hore u socdo.

Ma qabbo in aan ka duddi doono xil-ka-qaadistayda, waanan uga mahad-naqayaa Madaxweynaha oo aan u arko inay tahay waajibaadkiisa dastuurigga ah, cuqdad iyo ciilna i fogeyn mayso oo 5-sanno iyo 9-bilood ayaan u dalkayga iyo dadkaygaba si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyay. Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE-na sidii aan uga midka ahaa ayaan uga sii mid ahaanaya.

Ugu dambeyntii, waxaan dar ILAAHAY cafis iyo saamax uga dalbanayaa cid kasta oo wax iga tirsanaysa ama isu arkaysay waajib iga saarnaa in aan ka gaabiyay muddadii aan xilalka Qaranka hayay. Waxa aan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay ii calool-xumayd, i xamatay ama i cambaareysay.

Wabilaahi Tawfiiq.

Guul iyo Gobbonnimo

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply