SOMCABLE

Wax Akrisku Waa Furaha Cilmiga Iyo Barashada Luuqadaha Ee Carruurta !

Isku dayga in ay wax kasta ogaadaan iyo sidoo kale in ay wax kasta bartaan iyo inay ogaadaan waxa ku xeeran ayaa ah rabitaan ku abuuran carruurta yaryar, haddaba  rabitaankaasi ayaa waxa uu u baahan yahay in lagu xoojiyo wax akhris xilli hore ilmaha loo bilaabo oo la baro.

Akhriskaasi faraha badan waxa uu ka qayb qaataa aqoonta iyo barashada luuqadaha ee  ilmaha, sidoo kale xarfahan qoran ee ilmuhu uu yaraantiisa ku baranaya waa kuwa ballaadhinaya fikirka ilmaha yar iyo sidoo kale isweydiinta ilmaha yar uu isweydiinayo waxyaabo fara badan iyo in fikirka ilmuhu uu noqdo mid aad u ballaadhan.

Wax akhrisku waxa uu ilmaha u furaa Albaabada Luqada waxa uu noqonayaa ilmuhu mid awooda ku dhawaaqista kelmadaha iyo isku xidhka jumladaha hadalka.

Dersaaddo badan ayaa waxa lagu cadeeyay in qisaska loo akhriyo ilmaha yar ee waliba akhriskooda kor loogu qaadaa waa arrinta ugu muhiimsan ee ilmaha ka caawisa wax akhriska wanaagsan.

Carruurta qaar ayaan aad u eegin kutubta wax looga akhriyayo xilliga wax akhriska la barayo, balse mar kasta oo ilmaha lagu dedaalo in wax loo akhriyo isla markaana la baro wax akhriska arrintaasi waxa ay noqonaysaa mid meesha ka baxda waxa aanu ilmuhu la qabsanaya in uu si degan uu eego waxa uu akhriyayo.

Sidaasi  awgeed waxa waalidiinta la gudboon in ay carruurta yar yar kula dedaalaan barista waxa akhriska sidoo kalena ay xilli hore u bilaabaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply