SOMCABLE

Wasiirkii Madaxtooyada Ee Xukuumaddii Madaxweyne SIILAANYO Oo Sheegay In Baarlamaanka Dib Loogu Celinayo Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera

Hargeysa, 25 Abriil, 2018 (Himilo) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada ee
Xukuumaddii hore ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Baarlamaanka
dib loogu celinayo heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, si buu yidhi Sharciga loo
waafajiyo qodobbo wax iska beddeleen.
Maxamuud Xaashi Cabdi oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho Tv, ayaa sheegay in
Heshiiska Somaliland la gashay Shirkadda DP World ee ay ku maalgelinayso Dekedda
Berbera uu yahay heshiis rasmiya, balse intii Xukuumadda cusub ee KULMIYE Talada
Dalka la wareegtay ay wax iska beddeleen, isbeddeladaana ay ka mid yihiin Saamiga
Somaliland iyo DP World ka iibiyeen Dawladda Itoobiya oo marka la isku daro noqonaya
19%.
Maxamuud Xaashi oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Heshiiskaasi waa heshiis rasmiya,
waaka Maanta lagu dhaqmayo, waxa iska beddelay Qodobbo aan badnayn oo ay ka mid
tahay heshiiska Saddex geesoodka ah ee aynu Itoobiya la galnay, saamiga Somaliland ka
iibisay (oo ah 5%) iyo Saamiga DP World ka iibisay Ethiopian Shipping Line Agency oo ah
14%, qodobbadaa dib baa Baarlamaanka loogu soo celin doonaa, si sharciyadda loo
waafajiyo.”
Shirkadda DP World ee Maalgelinaysa Dekedda Berbera ayaa Itoobiya ka iibisay saami
dhan 14% oo ka mid ah 65% ay saamigeeda, halka Somaliland oo 35% lahaydna ay
Itoobiya ka iibisay 5%, taasi oo macnaheedu yahay in Dawladda Itoobiya Dekedda Berbera
ku yeelanayso Saami dhan 19 %.

Leave a Reply