SOMCABLE

Wasiirka Warfaafinta Oo Caddeeyay Inay Cilladi Ku Timid Idaacadda Hargeysa Qaybteeda Dibedda La Hadasha & Tv-ga Qaranka Qaybta Gudaha

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Maanta hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Wasiirka oo Guddiga joogtada ah ee la yeeshay kulan Albaabaddu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Saxaafadda la hadlay Wasiir Guri-barwaaqo, waxaanu sheegay inay Xilligan fadhido Idaacadda Radio Hargeysa, qaybteeda la hadasha Dalalka dibedda iyo Telefiishanka Qaranka, qaybtiisa la hadla Gudaha dalka, waxaanu sheegay in si loo hagaajiyo Cilladda ku timid Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefiishanka Qaranka ay Qalab u dirsadeen Dalka dibeddiisa.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Idaacaddii weynayd (ee Radio Hargeysa) way fadhidaa, waxay la fadhidaa, Maaha wax aynu innagu samaysanayney ee Dalka Shiinaha ayaa lagu sameeyaa, marka la samaynayo maaha in qalabkeeda (laga beddelayaa) wax meel yaalla ee muddo ayay qaadanaysaa wayna inoo maqan yihiin, waxaanuna filaynaa dhawaan inay inoo yimaaddaan oo la keeno (Qalabka), laakiin Idaacaddu ma fadhido ee Aanteenkii baa xumaaday..”

Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in Telefiishanka Qaranka qaybtiisa guduhu fadhido “Telefiishanka Qaranka qaybtiisa gudaha, ma fadhido ee Aanteennadii baa xumaatay, waxaanu isku daynay inaanu mid gudaha iibsano, tiina way ku shaqayn wayday, iyadana sidaa si leeg waxaanu ku dedaalnay oo khasab nagu ah inaanu dibedda u doonano.” Ayuu yidhi.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply