SOMCABLE

Wasiirka Tamartu Ma Shirkad Gaar Ah Ayuu Kooto Ugu Xidhay Laydh-siinta Xaafadaha Caasimadda Hargeysa ?

Hargeysa, 6 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Jaamac Maxauud Cigaal ayaa iska fogeeyay eedaymo ay Maalmihii u dambeeyay u jeediyeen Qaar ka mid ah Shirkadaha Laydhka siiya Magaalada Hargeysa.

Shirkadaha Laydhka ee Magaalada Hargeysa qaarkood ayaa Maalmihii u dambeeyay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ku eedaynayey inuu Shirkad gaar ah kooto ugu xidhay Laydh-siinta Xaafadaha Caasimadda Hargeysa, balse Wasiirka oo Shalay hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa arrintaasi beeniyey isla-markaana sheegay in aanay jirin Shirkad loo diiddan yahay Cid shaqaysa, balse loo baahan yahay in Sharciga la raaco.

Wasiirka oo markii uu soo dhamaaday kulankii uu Guddiga joogtada ah la yeesha ayaa Saxaafaddu waydiisay sida uu eedaymaha ah inuu Shirkad gaar ah Kooto ugu xidhay Laydh-siinta Hargeysa, waxaanu ku jawaabay “Anigu mana joojiyo, mana fasaxo ee Hay’ado ayaa ku shaqo leh waxan (Laydhka), waxani waa Laydh, markaa waa in la fasaxaa Laydhkii mee marayaba oo nidaamka la raaciyaa oo la yidhaahdaa sidaa iyo sidaa u mar, waana Wasaaradda.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  “Ninkii hadlayaa isaga ayay jirtaa, laakiin Cid la haystaa ma jirto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka Hal-celinaya su’aal laga waydiiyey inuu jiro Xeer kala xadaynaya shirkadaha Laydhka “Haa (Xeer kala xadayanayaa wuu jiraa), kaas ayaana lagu shaqaynayaa, nidaamkaas hala raaco, Shirkad loo diidayo inay shaqayso oo ay nidaamkeeda marto ma jirto, laakiin Sharciga iyo nidaamka la marayo ha soo marto horta..”

Dhinaca kale, Hadalkan Wasiirka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli muddooyinkii u danbeeyey ay cabasho ba’an ka muujinayeen Shirkadaha Laydhka ee Caasimada sida shirkada Indho-birta iyo shirkada Gaafane, kuwaasoo marar badan ku eedeeyay in Wasiirku ka hor istaago fidinta laydhka isla markaana uu si gaar ah ugu ogaalaado shirkad kale.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply