SOMCABLE

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Soo Jeediyey In Dawladdu Hubka Ka Dhigto Beelaha Gobollada Bariga

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Md. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ayaa soo jeediyey in Xukuumaddu Gobollada bariga ka samayso Qorshe hubka lagaga dhigayo Beelaha halkaa deggan, maaddaama oo ay soo noqnoqdaan Dagaal-beeleedyada halkaa ka dhacaa.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Shalay lagu xusayey 25 Guurada ka so wareegtay Aasaaska Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa sheegay inay Ciidammada Qaranka dhibaato ku haysato Dagaal-beeleedyada ka dhaca Gobollada bariga, kuwaasi oo ay kala dhex galaan si ay u kala bedbaadiyaan, sidaasi darteed loo baahan yahay in Beelaha Gobollada bariga lagu sameeyo Hub ka dhigis.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Ciidanka Qaranka waxa wakhti badan kaga lumaa dhibaatooyinka innagu soo noq-noqda dagaal-beeleedyada ka dhex-dhaca beelaha Somaliland. Deraasad aanu samaynay waxa soo baxaya Gobollada Bariga ee colaaddiisu soo noq-noqonayso sabab inay u tahay barnaamijyo ka hirgalay gobollada Galbeedka iyo Togdheerba oo ah barnaamijyadii hub ka dhigista iyo wacyi-gelinta oo weli ku taagan labadaas gobolka (Sool iyo Sanaag) oo aan ka hirgelin, markaa waa in dib loo eego labadaas gobol ee bariga oo aan la isku dayin (in Hub ka dhigis lagu sameeyo)…”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply