SOMCABLE

Wasiirka Deegaanka Oo Sheegtay In 9 Qof Loo Xidhay ka Ganacsiga Diinka Iyo Ugaadhsiga Xamaaratada Oo Bilaabmay

Hargeysa, 13 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay in sagaal qof loo qabtay Diin la doonayey in Dalka laga dhoofiyo, si loo iib-geeyo.

Wasiirka wasaaradda oo Warbaahinta kula hadashay Magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in Sagaalka Qof loo gudbiyey Maxkamadda degmada Hargeysa, isla-markaana sharciga la marin doonno Qof kasta oo lagu qabto isagoo xayawaan iibinaya.

Wasiir Shukri oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Imika waxaanu qabanay sagaal qof oo Diin sita oo soo iibinaya, Diinka aanu qabanay waa kuwo waaweyn oo aad u calculus”

Wasiirku waxay sheegtay in Dadka ugaadhsanaya lagu yidhi Diinba Diinka uu ka culus yahay ayuu ka lacag badan yahay “Dadka waxa lagu yidhi siday u kala culus yihiin ayey u kala lacag badan yihiin, marka Warbaahinta waan ka sheegay in aan la ogolaan doonin Cid lagu qabto Diin oo iibinaysa”ayuu tidhi Shukri Baandare, waxayna intaa ku dartay in Ugaadhsiga Xayawaanka ee Somaliland ka bilaabmay uu hadda u gudbay Xayawaanka yaryar ee loo yaqaanno Caasho-badhida “Maalmo dhoweyd waxaanu aragnay dad Caash-badhi raadinaya oo godkay gashaba ka daba galaya, waxaana la ii sheegay in labaatan dollar lagu iibinayo ma garanayo cidda iibsanaya..”ayay tidhi, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland.

Ka Ganacsiga Diinka ayaa dabayaaqada Sannadkii hore ka bilaabmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, Ganacsigaasi oo sababay in Dadka aan Camalka hayn u dhaqaaqaan ugaadhsiga Diinka.

Leave a Reply