SOMCABLE

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Oo Diyaarinaysa Xeerar Lagu Ilaalinayo Dhowrsoonaanta Astaamaha Qaranka & Adeegsiga Af-Soomaaliga

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Shalay hor-tagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, waxaanu ka warramay Waxqabadka Wasaaraddiisu fulisay Muddooyinkii u dambeeyay iyo waxyaabaha u qorshaysan mustaqalka inay qabato.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo ugu horreyn ka hadlaya waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda uu masuulka ka yahay iyo waajibaadkeedaba “Isku duwidda hawlaha lagama maarmaanka u ah Qaranka, sida ansixinta Madaxda Xukuumadda ee Madaxweynuhu Magacaabo ee u baahan ansixinta Golaha Wakiillada, inay Madaxweynaha iyo Golihiisaba u diyaariso War-bixin ku saabsan arrimaha ka soo baxa Golayaasha Xeer-dejinta ee ay uga baahan yihiin Xukuumadda, isku-duwidda hawlaha Xukuumadda kaga xidhma Goleyaasha xeer-dejinta, inay diyaariso War-bixin ku saabsan Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka, inay diyaariso Qorshaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka si loo qabyo-tiro Dastuurka Somaliland, iyadoo kala tashanaysa hay’adaha ay khusayso iyo u gudbinta Madaxweynaha ee arrimahaa, inay fuliso meel-marinta Qorshaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka ka dib marka la ansixiyo.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxa la dejiyey Hab-raacyo iyo hagayaal Wasaaradda iyo shaqaalaheeda u suurto-gelinaya inay gudato waajibaadkeeda, taasi oo Wasaaraddu fulisay, Dejinta waajibaadyada Shaqaalaha.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sidoo kale Wasaaraddu waxay diyaarinaysaa sidii Manhajka Waxbarashada loogu dari lahaa Barashada Dastuurka, laga bilaabo Dugsiga dhexe illaa heer jaamaceed, taasi oo Wasaaraddu Gacanta ku hayso iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Goleyaasha, sidoo kale Wasaaraddu waxay qabatay Barnaamijka baahinta Barashada Dastuurka, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay hubiyaan Xeerarka Goleyaasha Qaranku ansixiyaan “Wasaaraddu waxay hubisay 12 Xeer iyo 3 Siyaasadood, kuwaasi oo dhamaantood dhaqan-gelay, waayo? hawsha hubinta waafaqsanaanta Xeerka ee Dastuurku waa waajibaadka (Wasaaradda), ka hor intaan loo soo gudbin Golaha Wasiirrada iyo Xeer-dejinta Qaranka…”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Wasaarad ahaan samaynayaan Xeerar khuseeya Calanka, Afka iyo Astaanka Qaranka Somaliland “Waxaanu soo wadnaa xeerar badan oo aad naga talo siin doontaa (Guurtida), xeerarkaa oo ay ka mid yihiin xeerka Astaanta Qaranka, Xeerka Calanka, Xeerka Afka Soomaaliga, Waayo? haddaad eegtaan boodhadhka dalkeena meel walba wixii la doono ayaa ku qoran, Boodhadhka Caasimaddu boqolkiiba 80 waa Ingiriisi, boqolkiiba 10 waxa laga yaabaa inay Af Carabi yihiin, boqolkiiba 5 ayaa inay Soomaali tahay laga yaabaa, Dastuurkeenuna wuxuu qorayaa in Afka koowaad yahay Af-soomaali, ka labaadna waa Carabi.”

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaashu waxa kale oo uu sheegay inay sixitaan ku samaynayaan Astaanta Qaranka “Waxa kale oo aanu idinla socodsiinaynaa, halkan waxaad ku aragtaan laba Calaamadood oo ah Astaamihii Qaranka, laakiin Wasaaradaha Qaranku boqolkiiba 70 waxay isticmaalaan Astaanka Qaldan, markaa Golaha Wasiirrada iyo dhammaan hay’adaha Qaranka waanu geyn doonaa, si loogu dhaqmo Astaanta Saxda ah ee aynu leenahay..”ayuu yidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply