SOMCABLE

Wasaaradda Arrimaha Debadda Dalka Britain Oo Ku Amartay Haweenka Ka Hawlgala Xidhashada Xijaabka, Iyo Sababta Ku Kaliftay?

Wargeyska International Business Times ee ka soo Baxa Dalka Britain ayaa waxa uu
baahiyay qoraal ah in wasaaradda arrimaha Debada ee Dalka Britain haweenka ka
hawlgalay ku amrtay inay soo xidhaan xijaabka.
Sababta ay wasaaraddu shaqaalaheeda haweenka ah amarkaasi u siisay ayaa waxa uu
ahaa inay kaga soo qayb galaan Xuska Maalinta Xijaabka Adduunka.
Wasaaradda arrimaha debada ee Dalka Britain ayaa waxay sheegtay in Xijaabku uu Astaan
u yahay Ixtiraamka,Xoriyada iyo Ammaanka.
Balse, arrintani ayaa waxa ka soo hor jeedsaday dad badan oo u dhashay Dalkaasi una
badan dad masuuliyiin waxaanay xijaabka ku tilmaameen inuu yahay dhib lagu hayo
dumarka oo ay mu'asasado gaar ahi leeyihiin.

Leave a Reply