SOMCABLE

Wargeyska Foore Oo Xayiraadii Laga Qaaday Toddoba Bilood Ka Dib

Hargeysa, 25 August, 2019 (Himilo)-Maxkamada Racfaanka Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday Wargeyska madaxa bannaan ee FOORE oo muddo toddoba bilood xayiraadi saarneyd.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland, Masuuliyiinta Wargeyska Foore, iyo Qareenka u doodayey Wargeyskaasi ayaa ka warramay siday u arkaan xayiraad ka qaadista Maxkamadda Rafcaanka ee Wargeyska Foore.

Ugu horreyna, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa ka hadlay sida uu u arko xukunka Maxkamada Racfaanku ay soo saartay ee ay xayiraada kaga qaaday Wargeyska Madaxa bannaan ee FOORE waxaanu yidhi, “Maxkamada Racfaanka oo maanta xayiraadii ka qaaday Wargeyska FOORE oo muddo toddoba bilood xayirnaa oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay xayirtay. Markii la xayiray ururka iyo dhammaan bahda saxaafada Somaliland iyaga oo ku qanacsan shuruucda dalka waxa ay qaadeen waddo ay cabashadoodii ku muujinayaan oo ah ta sharcigu noo jideeyey oo ah in maxkamadda ka saraysa ee Rafcaanka ah, maadaama oo go’aankaa hore ee Maxkamadda Gobolka ka soo baxay runtii aanaan ku qancin in aanu u qaadano oo nidaamkaa sharciga ah anaga oo ixtiraamayna oo qadarinayna qaranka iyo dastuurka iyo shuruucda dalkaba in aanu marno waddadaasi, wallow ay nagu qaadatay muddo dheer oo immika toddoba bilood ku dhawaad ah, oo ah runtii caqabad marka cabasho laga qabo ama laga qaato go’aan soo baxay muddada ay qaadanaysaa ay dheer tahay runtii oo muddadaa haddii la fududayn lahaa nidaamka sharci ee dalkeena ay ka hawl yaraan lahayd sidan oo aanu qabno in go’aankaasi uu wakhti hore soo bixi lahaa,

 

Hase yeeshee waxa aanu ku qanacsanahay hannaankaa iyo go’aanka maanta Maxkamaddu soo saartay oo ay xayiraadii kaga qaaday wargeyska FOORE oo muddadaa toddobada bilood ah xayirnaa”.

Sidoo kale, Qareen Mubaarik oo ka mid ah Qareenada u doodayey Wargeyska Foore ayaa isaguna soo bandhigay dareenkiisa, waxaanu yidhi, “Runtii, waxaan aad ugu mahad celinayaa Garsoore Cabdiraxmaan Faarax Maxamed oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex oo soo saaray go’aan uu ugu hiilinayo Wargeyska Foore iyo Dastuurka JSL, iyo Warbaahinta Madaxa bannaan, waxaanu go’aankani cadeyn buuxda u yahay inay sharci darro tahay ama in la dhibaateeyo ama in faaf reeb lagu sameeyo shaqada Warbaahintu u hayso Qaranka iyo Ummadda Somaliland, waxaanan Xukuumadda iyo Garsoorka ba ku adkeynaynaa in la garab istaago Warbaahinta madaxa bannaan, sida uu qabo Dastuurka iyo Xeerka Saxaafada Somaliland, isla markaana laga ilaaliyo ama laga joojiyo wax kasta oo dhibaato ku noqoneysa shaqadooda”.

Ugu dambeyntiina, Cabdirashiid oo ku hadlayey afka Masuuliyiinta Wargeyska Foore ee Xayiraada laga qaaday ayaa waxa uu yidhi, “Marka hore ILAAHAY ayaan uga mahad naqaynaa inuu suurto galiyey in Wargeyska Foore uu dib u helo xorriyadiisii oo laga qaado xayiraadii saarneyd, Wargeyska Foore waxa uu xayirnaa muddo toddoba billood ah oo Maxkamadda Gobolku waxay ku riday laba xukun oo kala ahaa Gannaax iyo Xayiraad, markaa Gannaaxii waxaanu shubnay Lacagtii, Xayiraadiina maanta (shalay) ayey Maxkamadda Rafcaanka Gobolku ku dhawaaqday in laga qaaday”.

Intaasi kadibna Cabdirashiid waxa uu u mahadnaqay Ururka Solja iyo Qareenadii u doodayey, iyo dhammaan Taageerayaashii, Akhristayaashii iyo Siyaasiyiintii ka xummaa xayiraadii la saaray Wargeyska Foore.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply