SOMCABLE

Waa Maxay Dhaqanka wanaagsan?

ILAAHAY ayeynu ugu mahadnaqaynaa nimcooyinka uu ina siiyay, isgaanu gargaar ka dalbaynaa danbi dhaafna weydiisanaynaa.

Wanaajinta dhaqanka iyo akhlaaqdu waa ujeedada koowaad ee uu siday Nebi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi, “Waxa la ii soo diray si aan u dhameystiro akhlaaqda wanaagsan” waxa laga doonayaa ummadda islaamka inay ku sifowdo dhaqan wanaagsan, qof kasta oo muslim ahi waa inuu dabaqo dhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed (CSW) sida aynu wada ogsoonahay islaamku waxa uu leeyahay shan arkaanu islaam, arkaanu islaam kasta waxa uu leeyahay akhlaaqdiisa gaarka ah, tusaale ahaan waxaynu soo qaadan karnaa salaada Ilaahay koreeye waxa uu yidhi, “U kaca salaad, salaadu waxay reebtaa xummaanta, sinnada, munkurka IWM).

Haddaba, muxuu yahay qofka salaada tukanaaya ee aanay xummaanta ka reebin, maxay se qiimo yeelanaysaa salaadiisu, saameyn intee leeg bay salaadaasi ku yeelanaysaa bulshada dhexdooda?.

Qofka u qaata salaada sida toosan waxay bedelaysaa dhaqankiisa oo dhan, dhaqankaa wanaagsan ee raac salaada, waa sababta uu Ilaahay ku aqbalo salaada taa waxa inoo cadeenaya Xadiisu Qudiskii “Ilaahay waxa uu ka aqbalaa salaada qofka isku dhul dhiga weynaanta Ilaahay, aan ka habbaabin dhaqanka wanaagsan kuna waa barriisan xummaanta kuna qaata maalintaas oo dhan digrigayga iyo naxariista masaakiinta, musaafiriinta iyo carmasha una naxariista dadka dhibaateysan”.

Fahanka guud ee salaada waa dhaqan iyo cibaado, Salaadu dadka waxay dhaxalsiisa

 

digriga Eebe iyo akhlaaqda wanaagsan waxayna ka hor istaagta xummaanta iyo ku talax tegeeda, haddii aynu arkaamu islaamka rukin labaad aanu ka soo qaadano waa Sakada, sakadu maaha cashuur laga qaado dadka baahan ee waa nadiifinta bakheylka ee xoolohooga ka bixinaya iyagoo u celinaya dadka baahan ee bulshada ku dhex nool si ay u noqoto bulshadu mid is jecel oo naxariis badani ay ka dhaxayso isku xidhankoodune aad u adkaado, sidoo kale islaamku waxa uu ka yeelay hadalka wanaagsan iyo dhaqanka fiican sadaqo, Nebigu CSW wuxuu yidhi “Wa jiga furan ee aad walaalka aad ku qaabisho waa sadaqo, wanaaga oo dadka aad fartaa iyo xummaanta oo dadka aad u diidaa iyana waa sadaqo, qofka oo aad tusto meesha uu u baahan yahay iyana waa sadaqo, waddada oo aad ka qaado qodaxda iyo lafta iyana waa sadaqo, haddii aad adiga oo firaaqo haya aad u darto biyaha uu hawsha ku hayo iyana waa sadaqo, ama qof baahan oo itaal darran aad caawisid iyana waa sadaqo, qofka liita oo aad taakulayso iyana waa sadaqo”.

 

W/Q; Ibraahim Iid Maxamed (Dad-Dhis)

 

ibraahimiid54@Gmail.com

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply