SOMCABLE

“Waa La Gaadhay Wakhtigii Ugandha Aqoonsan Laheyd, Lana Shaqeyn Laheyd Jamhuuriyadda Somaliland,” Xildhibaan Huud Katuramu

Hargeysa, 20 May, 2019 (Himilo)-Somaliland qadiyadeedii way u soo bandhigtay caalamka, una caddaysay inay u qalanto aqoonsi. Waxaanu ka codsan doonaa Madaxweyne Museveni inuu dhaqaajiyo aqoonsiga dalkan.” Ayaa lagu sheegay warbixin doraad la daabacay.

Sida lagu baahiyey warbixin wargeyska Businessweek daabacay oo cinwaan looga dhigay “Xildhibaano Ugandha oo Riixaya Aqoonsi Somaliland hesho” ayaa lagu bilaabay.

“Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni ayaa laga ccodsaday inuu bilaabo dariiq loo qaado aqoonsiga Somaliland, isla markaana furo xarumo ganacsi lagula waddaago dalkan Geeska Afrika ku yaal.

Wefdi Baarlamaanka Ugandha oo socdaal xaqiiqo-raadis ku yimi dalka Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli dalkan aan aqoonsiga caalamka haysan u dabaaldegayo sannadguuradii 28aad ee maalinta madaxbanaanidiisa 18 May.

Xildhibaandan ayaa qeyb ka ah wufuud ka socda waddamada qaarada Afrika oo ka qeybgeli doona dabaaldega maalinta madaxbannaanida 18 May, saddex qarni ka dib, markii dalkani dib-ugala soo noqday madaxbannaanidiisi Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda Baarlamaanka Ugandha Xildh Huud  Katuramu ayaa sheegay in la qaadhay wakhtigii Ugandha & Midowga Afrika aqoonsan lahaayeen Somaliland.

“Waa gaadhay wakhtigii Ugandha aqoonsan lahayn, lana shaqeyn lahayn Somaliland,” ayuu sheegay Katuramu, xilli ay la kulmeen dhigooda baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Akurut Adome ayaa raaciyey in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudahii lagu aqoonsan lahaa, layaab-na tahay sababta wadan mar horeba heshiisyo maalgashi la galay caalamka u heli waayey aqoonsi.

“Somaliland qadiyadeedii way u soo bandhigtay caalamka, una caddaysay inay u qalanto aqoonsi. Waxaanu ka codsan doonaa Madaxweyne Museveni inuu dhaqaajiyo aqoonsiga dalkan.” Ayuu yidhi Xildh Adome.

Dhinaca kalena, wufuudii caalamiga aheyd ee kale ee ka soo qaybgashay xuska 18ka may oo ka kala socday dalalka Uganda, Itoobiya, Kenya, Jabuuti ayaa iyaguna ka dareen celiyey sida ay u arkaan xuskan iyo mustaqbalka Somaliland ba.

Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeen Madaxtooyada oo lagaga warramay kulamo kala duwan oo uu Madaxweynuhu la yeeshay Wufuudaasi, sidaasi awgeed nuqul ka mid ah war-saxaafadeedkaasi oo soo gaadhay Wargeyska Himilo ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweyne Somaliland oo Kulamo La Qaatay Wufuudii Kala Duwanaa ee Dalalka Dibadda Uga Yimid Ka Qaybgalay Munaasibaddii 18-ka May. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda Dabbaal-degga 18-ka May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli lahaayeen maalinta farxaddooda.                    Xubnaha weftiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga guddoomay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xidhiidh wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay ka mid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qaybgalka dabbaal-degga maalinta qaran ee 18-ka May, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo waddamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey maalintaa qaran ee 18 May.

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay madaxweynaha ku bogaadiyeen dedaalka uu ugu jiro inuu dhiso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale, horumarka iyo wada jirka shacbi weynaha Somaliland gaadheen.

Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa ka mid ah weftiyo kala duwan oo Somaliland u yimi ka qaybgalka munaasibadda qaran ee 18-ka May oo maalintii shalay sii heer qaran ah looga dabbaal-degay guud ahaanba dalka iyo dalalka Kale ee caalamka oo ay jaaliyadaha reer Somaliland ku xsueen sannad guuradda 28aad ee 18 May.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply