SOMCABLE

Ujeedada Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti & Dhigiisa Soomaaliya Ay Ku Tegeen Magaalada Baydhabo

Muqdisho, 08 Oct, 2019 (Himilo)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dalkaasi Soomaaliya ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhoweeyey weftiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo uu qeybta ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali.

Weftigan ayaa magaalada Baydhabo waxa uu kaga qayb galayaa furitaanka kalfadhiga shannaad ee golaha wakiillada Maamulka Koofur-Galbeed, Guddoomiye Mursal ayaa waxa kale oo safarkiisa Baydhabo ku weheliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Haddaba, Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaadhay wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Giriin oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalkaasi Soomaaliya.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply