SOMCABLE

Ujeedada Shir Ay Ku Dhawaaqeen Beelaha Barriga iyo Galbeedka Burco  

Hargeysa, (Himilo)-Madax-dhaqameedka Beelaha Habar Jeclo iyo Gar-xajis ayaa ku dhawaaqay in ay 15-ka bishan Magaalada Burco ka qabsoomayo Shir dhaqameed u dhexeeya labadaa beelood.

Shirkan oo ay Gogoshiisa fidisay Beesha Habar Jeclo ayaa waxa muddada uu qabsoomayo iyo ujeeddada laga leeyahay shaaciyey Suldaanka guud ee Beesha Habar Jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, kaasi oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa oo odayaasha labada dhinac kaga wada-hadleen diyaar-garowga Shirkaasi.

Suldaan Cabdillaahi wuxuu sheegay in Shirkani aanu lug ku lahayn Siyaasad, balse uu yahay mid dhaqan oo labada beelood isku Laab-xaadhayaan, waxaanu yidhi “Shirkani waa shir Beeleed, waa Shir dhaqan, shir siyaasad Shaqo ku leh maaha, waxay ka wada-hadlayaan (Labada Beelood) wixii ay gudahooda kala tirsanayeen, dhaqaalahooda iyo wanaag-faristooda iyo siday Dhulkooda u dhisan lahaayeen, markaa waa Shir Walaalnimo iyo Laab-xaadhasho…”.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beesha Gar-xajis oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Munaasibaddan aanu isugu nimid waxaanu isla qaadanay in Shirkii dhowr jeer oo hore aanu muddaynay uu noqdo bishan 15-keeda, haddii ALLA yidhaahdo, Madashuna ay Burco noqoto…”.

Warkaasi oo dhameystirani waa kan ee daawo.

HALKAN KA DAAWO:

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply