SOMCABLE

UCID Oo Sheegay In Guddoomiyaha Waddani Uu Madaxweynaha ka Dalbaday In Loo Mag-dhabo Kharashkii Kaga Baxay Doorashadii Madaxtooyada

Hargeysa, 31 Jeeniweri, 2019 (Himilo) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweynaha Somaliland oo kaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada uu ka dalbaday in loo Magdhabo kharashkii Xisbigiisa WADDANI kaga baxay doorashadii Somaliland ka dhacday bishii November, 2017-kii.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdiqani Salaf oo daba socday eedaymo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka mid ahi u jeediyeen Guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro iyo Xisbiga WADDANI aanay iska war-qabin, isagoo Guddoomiye Cabdiraxmaan ku eedeeyay daacadnimo la’aan.

Ugu horreyn, Cabdiqani Salaf wuxuu abaal-darro ku eedeeyay Guddoomiyaha WADDANI, waxaanu yidhi  “Cabdiraxmaan-cirro iyo xisbigiisu isma oga, Cabdiraxmaan Xisbigiisa khiyaamo ayuu kula dhex jiraa, taa waxa kuu caddaynaysa  Siyaasadda halka uu ka soo galay waxay ayad Xisbiga UCID, Xisbiga UCID Ninka Qudha ee wax ku helay ee Guddoomiye Baarlamaan ku helay  oo Hargeysa Dad safaari ah looga qaaday oo Berbera loo geeyay waa isaga, haddana Xisbigii Abaalkaa u galay wuxuu ka dhigay inuu ku abaal ka daro..”

Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga UCID oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa wuxuu sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo Musharrax Madaxweyne ua haa Xisbiga WADDANI uu Madaxweynaha Somaliland oo kaga guulaystay Doorashadii Madaxtooyada uu waydiistay inuu u Magdhabo kharashkii kaga baxay tartankii doorashada Madaxtooyada “Cabdiraxmaan-cirro waxa weeye Ninkii u horreeyay ee intuu u tartamo Madaxweyne-nimo, doorashadu markay dhacday ee laga guulaystay intuu u yimid Madaxweynaha Somaliland ku yidhi waxaan doonayaa Magdhow 8 Milyan oo Dollar ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in khilaafka xilligan ka dhexeeya WADDANI iyo UCID ay tahay doorashada dalka ka dhacaysa Somaliland sannadkan gudihiisa oo WADDANI diiddan yahay inay qabtaan Komiishanka xilligan xilka haya, halka UCID-na taageersan yahay in Komiishankaasi qabtaan “Maanta Xisbiga WADDANI wuxuu ku haysto Xisbiga UCID waa doorashada 2019-ka Dalkeena laga qabanayo ee haddii xitaa WADDANI diido ay labada Xisbi ee kale geli doonaan, taas ayaa la nagu haystaa sidee baad doorashadaa uga qayb-gashaan..”

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa toddobaadkii u dambeeyay eedaymo isku marinayey Warbaahinta.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply